Sheekh: Goob Dalxiis Oo Cusub Oo La Helay

0
538

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda ganacsiga  iyo dalxiiska Somaliland ayaa shaacisay in ay degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil ka heleen goob cusub oo dalxiis oo aan hore loo ogayn.

Goobtan cusub ee dalxiis oo magaceedda lagu sheegay Fardawza, waxaa in muddo ah cilmi-baadhis ka waday khabiirro ka tirsan waaxda Aataarta qadiimiga ah ee wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland iyo xubno ajaanib ah.

Sida ay shaaciyeen shir jaraa’id oo ay maanta wada jir u qabteen wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland, agaasimaha guud iyo agaasimaha waaxda Aataarta qadiimiga ah ee wasaaradaasi.

Sidoo kale waxaa madasha joogay xubno khubarro ajaanib ah oo ka socday dalka Spain oo mudooyinkanba ku hawlanaa cilmi-baadhista goobtan cusub ee la helay.

 

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply