Boosaaso oo Lagu Soo Gaba-gabeeyay Bandhigi Carwadda ee Puntland

0
1026

Garoowe (Dawan) Waxaa lagu soo gabagabeeyey xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso bandhiggii carwada Puntland ee sanadka 2020-ka, taasi oo socotay muddo 5 maalmood ah.

Carwadan ayaa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo wax soo-saarka Puntland, iyadoo ay ka qayb galeen shirkado iyo ganacsato caan ka ah deegaannada Puntland.

Sidoo kale ganacsato ka timid deegaannada kale ee Soomaaliya ayaa halkaasi ku soo bandhigay kheyraadka iyo raashinka ka soo go’a dalka.

Dadweynaha Boosaaso ayaa ka faa’iideystay muddadii ay bandhigga carwadu socotay oo qiime dhimis lagu sameeyey dhammaan badeecadaha halkaasi lagu soo bandhigay.

Leave a Reply