Ugu Yaraan 8 Ruux Oo Ku Geeriyooday Dhulgariir Ka Dhacay Magaalo Ku Taala Xuduuda Turkigu La Wadaago Dalka Iiraan.

0
622

Turki(Dawan)-Ilaa iyo hada Inta la xaqiijiyay Ugu Yaraan 8 ruux ayaa ku geeriyooday, 21 kalena way ku dhaawacmeen Dhul-gariir xoogan oo manta  ka dhacay Gobolka Xuduudka ku yaalla ee Van. sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha ee Turkiga.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga ayaa sheegaysa in tirada dhimashadu ay kor u kici karto, maadaama dad badan weli ku xaniban yihiin guryaha dumay.

Halka dhulgairiirku ka dhacay ayaa ah goob caan ku ah dhaqaaqa dhulka oo horey ayuu uga dhacay.

Dhul-gariirkan oo Cabbirkiisa lagu qiyaasay  5.7 Higtar ayaa ka dhacay Gobolkan oo ku yaala xuduudka turkigu uu la leeyahay IRAN.

Telefiishanka Turkiga ee TRT ayaa sheegay in Dhul-gariirku uu dhibaato soo gaadhsiiyey illaa 43 Tuulo oo ku yaala gudaha Turkiga, Telefiishanku waxa kale oo uu sheegay in Kooxaha Gurmadku ay gaadheen deegaannada uu dhibaateeyay Dhul-gariirkani, meelahaasi oo ay ku jirto Caasimadda Gobolka Van oo la sheegay in dhul-gariirku dumiyey guryo.
Dhul-gariirkan ayaa imanaya bil ka dib, markii dhul-gariir ka dhacay isla Dalka Turkigu uu dilay Dad gaadhaya 40.

Saraakiisha Iiraan ayaa sheegay in kooxo gurmad deg deg ah loo diray meelaha ay dhibaatadu ka dhacday.

Kooxaheena badbaadinta ayaa loo diray aagga. Ilaa iyo hadda, maanaan helin wax warbixin ah oo ku saabsan khasaare ama dhimasho ka dhacday aaggaas oo ku yaal gobolka Galbeedka Azarbaijan ee Iiraan,” ayuu sarkaal u hadlay Iiraan u sheegay telefishanka dawladda.

Laakiin sarkaal kale oo maxalli ah ayaa yidhi: “Waxay u badan tahay in ay jiri doonaan khasaare iyo waxyeelo,” telefishanka dawladda Iiraan ayaa wariyey.

Waxana xusid mudan in wadamada Iran iyo Turkiga ayaa ka mid ah waddamada  u nugul dhulgariirka  adduunka.

Sagal Abdirahmaan Ahmed

Dawannnews Hargeysa office

Leave a Reply