Madaxwayne Erdogan Oo Sheegay Inuu xaaladda Suuriya Kala Hadlayo Hogaamiyaasha Dalalka Ruushka, Faransiiska iyo Jarmalka.

0
481

Ankara (Dawan)- Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in bisha soo socota uu lakulmi doono hogaamiyaasha wadamada Ruushka, Faransiiska iyo Jarmalka si uu ugala hadlo xaalada ka taagan waqooyi galbeed ee dalka Suuriya.

Halkaasi oo ay milatariga ay Moscow taageerta  ay dagaalo kula jiraan falaagada ku kacsan dowladda Suuriya, iyadoona weerardaasi ay ku barakaceen ku dhawaad labo milyan oo ruux.

Hadalka madaxwayne Erdogan ayaa imaanaya iyadoo wasiirka difaaca Turkiga uu sheegay in hal askari looga dilay gobolka Idlib kaas oo noqonaya askarigii 16’aad oo ciidamada Suuriya ay dilaan.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ma’uusan sheegin halka uu ka dhacayo kulanka 5’ta bisha soo aadan uu layeelanayo hogaamiyaasha wadamada Ruushka, Faransiiska iyo Jarmalka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply