Somaliland oo Laga Helay Goob Taariikhi Ah oo Cusub.

0
570

Berbera(Dawan) Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay goob dalxiis oo cusub oo laga helay duleedka degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil

Munaasibadan lagu shaacinayay goobtan dalxiis ee la helay duleedka degmada Sheekh ayaa waxa goob joog ka ahaa wasiirka ganacsiga wershadaha iyo dalxiiska, agaasimaha guud ee wasaraadaasi iyo khubrada cilmi baadhista ka sameeyay goobtaasi oo ka socday dalka Spain

Ugu horeyn agaasimaha waaxda aasaarta qadiimiga ah ee wasaarada ganacasiga wershadaha iyo dalxiiska Ayaanle Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa u mahad celiayay khubarada helay goobta dalxiis ee Fardawsa oo ku taala degmada Sheekh ee gobolka Saaxil isagoo tilmaamay in ay khubaradaasi ay hagar baxeen sidii loo xaqiijin lahaa fardawsa in ay tahay goob dalxiis oo kusoo kordhay goobaha qadiimiga ah ee dalka Somaliland

Eng Cabdiraxmaan Muxumed Abdeeq ayaa dadka u dhaw goobtaasi iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan degmada Sheekh ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobta ay ku taalo fardawsa isla markaa ay dhinacooda ka ilaaliyaan maadaama ay tahay goob dalxiis oo qaranku leeyahay

Maxamuud Xasan Sacad Saajin wasiirka wasaarada ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska Somaliland ayaa dhankiisa ka waramay muhiimada ay goobaha dalxiisku u leeyihiin dalka iyagoo ahmiyad balaadhan u leh dhinaca dhaqaalaha maadaamada goobaha dalxiiska ay soo jiitaan dalxiisayaasha dibada

Gabagabdii mid ka mida khubaradii cilmi baadhista ku samaysay goobta ayaa ka waramay marxaladihii ay soo martay cilmi baadhista goobtaasi ay ku sameeyeen isagoo sheegay in ay goob taariikh fac weyn leh oo soo jiidan doonta dalxiisayaasha Aduunka.

Leave a Reply