Booliska Kenya Oo Shaaca Ka Qaaday In Al-shabaab Ay Gaarisa Ka Afduubteen Wiil La dhashay Masuul Dowladeed.

0
521

Nayruubi (Dawan)- Dagaalameyaasha  Al-Shabaab ayaa Waqooyi-Barri ee dalka Kenya ku qafaashay wiil la dhashay mas’uul dowladeed, sidda ay shaaciyeen Masuuliyiinta Taliska Booliiska Dalka Kenya.

Daa’uud Bashiir Guure ayaa la tilmaamay in lagala baxay hoygooda oo ku yaalla Gaarissa, gaar ahaan nawaaxiga xadka ay wadaagaan dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Booliiska Kenya waxaa ay sheegeen in dableyda afduubatay Daa’uud ay gaareyso Tiridooda 20 Qof, falkaasina uu dhacay Jimcihii lasoo dhaafay kuna beegneed 21-ka Bishaan, sidda ay warbaahinta kasoo xigtay dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Daa’uud Guure lala soo aaday dhanka Soomaaliya, walow aan la ogayn halka sida gaarka ah looga hayo.

Saxaafadda Kenya ayaa baahisay in Daa’uud ay Al-Shabaab kaga shakisay in uu bixiyey xogtooda, Mas’uuliyiiinta Booliska Gobolka Waqooyi bari ayaa wali Carabaabin Mas’uulka uu la dhashay wiilkan marka laga tago in kaliya Xogtaas ay bixiyeen.

Inta badan xoogaga gacansaarka la leh Shabakadda Al-Qaacida ayaa dhacdooyin noocaan ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana ay qaarkood ku qaataan madax-furasho, halka kuwa kalena ay dilaan.

Gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa amaankiisa aad loo adkeenayaa Alshabaabna waa ay sii kordhinayaan weeraradooda.

Xigasho:-newsghana.com.gh

 

Leave a Reply