Kiisaska coronavirus Ee Ingiriiska Oo Kordhay & Talyaaniga Oo Xannuunku Ku Faafayo!

0
487

Ingiriiska (Dawan)- Bukaanada uu soo ritay xannuunka Coronavirus ee Boqortooyda UK ayaa gaadhay 13 qof iyada oo dhowaanna Fayrasku halleelay  4 qof oo cusub oo u dhashay UK kuwaas oo ku safrayey Markab Dalxiis oo ku wajahnaa Jabbaan.

Rakaabka Markabkan oo gaadhayey 30 Qof oo Ingiriis ah iyo laba u dhalay Iceland ayaa ayaa muddo 14 beri ah waxa lagu xayiray Isbitaalka Arrowe Park Hospital, 4ta qof ee cusub ee xannuunku soo ritay ayaa Axaddii waxa lagu karantiilay Isbitaal Karantiil oo ku yaal magaalada Milton Keynes ee gobolka Buckinghamshire.

Markab weyn oo lagu magacaabo Diamond Princess oo laga leeyahay UK ayaa lagu xayiray Jabbaan kaddib markii baaritaanadii lagu sameeyey ay muujiyeen in dad kabadan 600 oo qof oo kamid ahaa rakaabka  Doonta uu haleelay Fayrasku, taasina waxa ay kadhigtay doontaas  Bukaanadii ugu badnaa ee xannuunku ku soo rito meel kabaxsan Shiinaha.

Wasaaradda Caafimaadka ee Ingiriiska ayaa sheegtay in baaritaanada lagu sameeyey doonta oo katimid Jabbaan ay muujiyeen in Rakaabka saaran aanay weli ka soo bixin Astaamaha halista ah ee Coronavirus.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply