Wasiirka Warfaafinta Iyo Wasiiro Kale Oo Ka Qayb galay Bandhig Loo Sameeyay Filim Cusub Oo Wasaaradda Warfaafintu soo Bandhigtay

0
643

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL. Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ay weheliyeen Wasiirka Shaqada Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa maanta ka qaybgalay bandhigga Filim cusub oo la yidhaahdo Shil- Jacayl oo ay soo saartay Waaxda Filimada ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelintu.

Waxa kaloo xafladii loo sameeyey filimkaas oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ka soo qaybgalay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, Suxufiga Sh. Maxamuud Dalmar iyo martisharaf kala duwan.

Leave a Reply