Mareykanka Oo Ka Hadlay Duqeyn Ka Dhacday Jubbada Dhexe

0
489

Bu’aale (Dawan)- Diyaarado dagaal ayaa waxay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Dujuuma oo 6-KM ujira degmada Bu’aale ee xarunta Gobolka Jubbada dhexe xili halkaasi ay Ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al shabaab ah sida lagu sheegay war ka soo baxay Africom.

Warkan ka soo baxay Africom ayaa  lagu sheegay in howlgalkaasi ay iska kaashadeen Taliska Maraykanka iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ka dibna duqeyntaas sidii loo qorsheeyay ay u dhacday.

Taliska Africom waxa uu intaa ku daray  in ay duqeynta Ku dileen sedex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply