Hooyo Haysata laba Wiil oo Muddo 12-sano ah Xannuusanaya oo Bulshadda Codsi u Dirtay

0
545

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Hooyo Foosiya Muxumed Axmed,  waa hooyo  ku nool magaalada Hargeysa oo haysata laba wiil oo muddo 12-sano ah xannuusanayey.

Labadan carruura oo qaarka danbe aan ka kici karin ayaa xannuunku halleelay markii ay da’doodu aheyd afar jir, sida ay sheegtay hooyo Foosiya.

Hooyo Foosiya waxaay  sheegtay in labada wiil ay u geysay Dr. Gaboose iyo Dr. Cabdiraxmaan oo aqoon u leh xannuunadda carruurta, islamarkaana ay labadooduba u sheegeen in aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin.

 

“Ciddii wax-na-tari kareysa hana tarto ILLAAHEY-ba awood leh. Labada wiil anaa dhalay muddo imika 12-sano ah ayay bukeen, wax dhakhtara oo intii itaalkeyga ahaa aan geeyeyna waxaa jiray Gaboose waxaanu yidhi ‘Dalka waxba lagagama qaban karro’.

Dr.  Cabdiraxmaan, isna  carruurta waan u geeyay waxaanu yidhi waxba dalka lagagama qaban karo, marka sidaasi ayay mudadda 12-sano ah u bukeen.

Wax awood dhaqaale ah oo aan meel ku geeyana waan waayay oo aan dhakhtar dibadeed ku geeyo”ayey tidhi hooyo Foosiya Muxumed Axmed oo la murugeysan xannuunka daashaday carruurteeda oo iyadda lafteedu imika isku buuq ka qaaday, xannuunka la dariska ah labadeeda wiil.

Geesta kale hooyo Foosiya Muxumed Axmed, ayaa baaq u dirtay guud ahaanba dadka Muslimiinta ah ee awooda dhaqaale leh ee gacanta wax ku haya   inay ILLAAHEY SWT dartii u soo caawiyaan.

Waxaaney xustay in aanay haba yaraate wax  dhaqaale ah oo ay cisbitaal ku geyso ama waxay cunaan u siiyo aanay awoodin, sidaas darteedna dadka kheyrka jecel ay soo caawiyaan.

Hooyo Foosiya  iyadda oo mar kale arrimahaa ka hadlaysa waxaay tidhi “Wax awood dhaqaale ah oo  aan adeeg caafimaad kula raadiyo imika ma hayo, wax ILLAAHEY ii danbeysiiyo mooyaane, wax awooda oo ay leeyihiin oo ay wax ku qabsan karayaana ma jiro, hadday Suuliga (Musqusha),   haday cunto la  siiyo tahay, hadday jiif tahay, hadday soo saro fadhiisin tahay wax walbana anigaa u qabta ee ILLAAHEY dartii halla ii  caawiyo si aan goobaha caafimaadka aan ugula soo quusto”

Cidii ILLAAHEY dartii u caawineysa hakala xidhiidho telefoonka gacanta ee 0634179086

 

Leave a Reply