Wasaaradda Shaqo-gelinta oo Tababar u Qabatay Haween siyaasiyiin ah iyo Suxufiyiin

0
518

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

 

 

Hargeysa(Dawan):-Kulan aqooneed socon doona laba maalmood oo ku saabsan doorka ay Warbaahintu ka qaadan karto kor u qaadida Kaalinta Haweenka ee Siyaasadda dalka, gaar ahaan ka qaybgalka Doorashooyinka Baarlamanka, ayaa maalintii shalay magaalada Hargeysa looga furay Wakiillo ka socda Garabyada Haweenka ee saddexda Xisbi Qaran iyo Suxufiyiin ka tirsan bahda Warbaahinta.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha Bulshada oo kaashanaysa Hay’adda Qaramada midoobay  u qaabilsan arrimaha haweenka iyo Xafiiska Ingiriiska ee Mucaawimooyinka, ayaa waxa furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Cabdirashiid Sh. Cabdiraxmaan oo ka qaybgelayaasha ku boorriyey in ay tababarka ka faa’idaystaan aqoon iyo faham ku saabsan  sida ay saxaafaddu u badhi-taarayso haweenka hanka leh ee doonaya in ay doorashada ka qaybgalaan.

Agaasimaha ayaa dhinaca kale, suxufiyiinta ku waaniyey in ay u soo jeestaan ka war-tebinta arrimaha bulshada oo aanay xoogga saarin siyaasadda oo qudha, isagoo tilmaamay in la gaadhay xilligii Warbaahintu ay noqon lahayd Warbaahinta horumarka.

Agaasime Cabdirashiid, ayaa intaasi raaciyey in suxufiyiinta looga baahan yahay  xogoggaal u noqdaan waxyaabaha dhibatada ku ah bulshada ee soo kordha, isla markaana daba-gal ku sameeyaan dhacdooyinka dawladdu wax ka qabataa in si dhamaystiran loo mariyey dariiqa sharciga “waxa iminka kor u kacay Kufsigii, waxa socda gudniinkii gabdhaha oo kamida dhibaatooyinka bulshada ee ay wasaaradduna dedaalka ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa, markaa suxufiyiinta waxa looga baahan yahay in ay Kiisaska Kufsiga oo kale daba-galaan ilaa maxkamadda”ayuu yidhi Agaasimaha guud.

Dhinaca kale, Agaasimuhu waxa uu tilmaamay in Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadu dedaal xooggan ugu jirto sidii kor ay ugu qaadi lahayd wacyiga Haweenka, hadday tahay dhinaca dhaqaalaha iyo hadday tahay dhanka siyaasaddaba, isla markaana ay gacanta ku hayso iminka qorsheyaal door ah oo wax lagaga qabanayo caqabadaha hortaagan doorka siyaasadda ee Haweenka.

Waxa kale oo uu sheegay in maal-gelin ganacsi loo abuuray haween badan, yoolka Wasaaradduna uu yahay in ay wax ka bedesho guud xaalada bulshada nugul ee Somaliland oo ay Haweenku ku jiraan, isagoo ka dalbaday warbaahintana in ay doorkooda ciyaaraan.

Geesta kale, Guddoomiyeyaasha garabyada Haweenka ee Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo WADDANI oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dedaalka Wasaaradda, haweenkana looga baahan yahay in ay muujiyaan karti iyo dedaal ku wajahan hankooda siyaasiga ah.

Waxa kale oo ay ka qaybgaleyaasha kula dardaarmeen in ay ka qaybgalaan dooddaha siyaasaddeed ee dalka, dhexdoodana ay u midoobaan sidii ay isu kaashan lahaayeen.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply