Trump Oo Kongresska Ka Codsaday Inay Siiyaan Lacag Uu Kula Dagaalamo coronavirus

0
1101

Waashitoon (Dawan)- Madaxweynaha Dalka maraykanka Donald Trump ayaa hoos u dhigay cabsida laga qabo inuu ku faafo dalkiisa cudurka coronavirus ee ka soo bilawday dalka shiinaha.

Trump  ayaa shir jaraa,id oo uu qabtay ka sheegay inaanu xanuunka coronavirus saamayn badan oo khatar ah  ku lahayn maraykanka, isaga oo intaa raaciyay sida ay wax uga qabanayaan hadii ay xaaladu is bedeshi ka maamul ahaan.

In kabadan 2,700 oo qof ayaa cudurkan ugu dhintay Shiinaha halka uu 78,000 kalena saameeyey. Sidoo kale inka badan 50 ruux ayaa u dhintay coronavirus iyada oo 3,600 xaaladood oo kalane uu saameeyey dalal kale oo dunida ah.

Kadib hadalka Trump, Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurradda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay ogaatay kiiskii ugu horreeyay ee cudurkan, taas oo muujineysa in fayrasku ku faafi karo bulshooyinka dhexdooda.

Hadda waxaa jira kiisas badan oo maalinle ah oo laga diiwaan galiyo dibadda Shiinaha marka loo eego gudaha waddanka, halkaas oo fayrasku markii ugu horreeyay ka soo bilawday bishii Diseembar, sida ay sheegeen Ururka Caafimaadka Adduunka.

Waxana xusid mudan in Dowlado dhowr ah ay muwaadiniintooda kula taliyeen in aanay u safrin dalka Taliyaaniga – oo lagu arkay 400 xaaladood iyo 12 dhimasho ah. Sidoo kale Wadanka Iran ayaa xidhay xuduudiisa, halka Mongolia ay xayirtay duulimaadyadii ka imanayay South Korea iyo Japan.

Dawannews Hargeysa Office

Leave a Reply