Dawalada Shiinaha Oo Pakistan U Diraysa Shimbiro Ka Cuna Ayaxa

0
538

China (Dawan)- Dawlada Shiinaha ayaa Dalka  Pakistan u diraysa  ilaa 100,000 oo shimbirta nooca boolaboolada loo yaqaan  si shimbirahaasi ay gacan uga geystaan Ayax fara ba’an ku haya beeraha dalkaasi.

Dowladda dalkaasi Pakistan ayaa Ayax awgii xaalad deg deg ah ku dhawaaqday horraantii bishan, waxa ayna sheegtay in Ayaxii ugu ba’naa uu hadda ku habsaday dalkaasi.

Khabiir ku takhasusay arrimaha beeraha oo arrintan wax badan ka og ayaa sheegay in halkii Boolaboola ahba ay cuni karto in kabadan 200 oo xabbo oo Ayax ah maalintiiba, sidaa awgeedna ay ka waxtar badan tahay sunta lagula dagaallamo Ayaxa.

Haseyeeshee khubarada qaar ayaa shaki gelinaya waxtarka shimbirtani.

Ayaxa ayaa sidoo kale dhibaato ba’an ku hayay waddamda ku yaal bariga Afrika.

Dowladda Shiinaha ayaa usbuucan sheegtay in ay dalka Pakistan u direyso khubaro halkaasi ka fulin doono barnaamij lagula dagaallamayo Ayaxa.

Lu Lizhi oo ah cilmi-baare ka tirsan machadka cilmi-baarista ee arrimaha beeraha ee dalka Shiinaha ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in Boolabooladu ay la mid tahay kiimikada casriga ah ee lagula dagaallamo Ayaxa.

Boolaboolada ayaa hadda lagu tijaabin doonaa gobolka galbeedka ku yaal ee dalka Shiinaha ee Xingjiang ka dibna waxaa Boolabooladu la geyn doonaa gobollada uu Ayaxu dhibaatada ku hayo ee Sindh, Balochistan iyo Punjab.

Haseyeeshee, bare-sare oo ka tirsan jaamacadda arrimaha beeraha ee dalkaasi Shiinaha oo qeyb ka ah wafuudda dowladdu ay u direyso Pakistan ayaa shaki geliyay suurtagalnimada in Boolabooladu ay ku noolaan karayso dalkaasi Pakistan oo u badan dhul lama degaan ahi maadaama Boolabooladu aysan biyo ka maarmin.

Balse waxa uu sheegay in Boolabooladu waligeed lagula dagaallami jiray Ayaxa balse aysan wali dowladda Shiinaha u adeegsan in ay dal kale ku kaalmayso.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply