Dhaqaalaha Sare Iyo Dhaqanada Japan!

0
645

Jamhuuriyadan waxay ka kooban tahay 6800 jasiiradood, tirada dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa 128 milyan. Jasiiraddani waa waa dalka Japan oo heerka shaqo la’aanteeda lagu qiyaasay  2- 4%, Dhaqaalaha dalka soo gala sanadkii ayaa isaguna ku dhow yahay 6 trillion.

Dhibaatooyinka ugu weyn ee dalkan haystaa waa dhul gariir sanadka kasta soo noqda, kaasi oo caasimadda dalkaasi ka dhiga mid sanad kasta burburta oo haddan ay dib u dhisaan, inkasta oo wakhtigan aya smeeyeen guryo u adkaysta dhul gariirka.

Japan dadkeedu waa kuwo cimri dheer , waxaana laga helaa dad gaadhaya 50 kun oo qof oo  dhaafay da’da 100 jirka. Xayawaanada guryaha lagu rabaysto ayaa caan ku ah, waxaana ay ka badan yihiin caruurta guryaha joogta, madaama tirada dhimishadu ay ka badan tahay ta dhalashada, bisadda madow ayay ka aaminsan yihiin inay tahay nasiib wanaagsan.

Waxaana Japan ka sheqeeya tareenada dunida ugu dheeraya, macalimiinta iyo ardayda ayaa fasalada nadiifiya, la yaabna ma laha.

Celceliska mushaharka qofka shaqaalaha Japan waa $ 2800 ( laba kun iyo sided boqol doller), dadka Japan malaha sexeex, qof kastaana waxa uu leeyahay Shaambad u gaar ah oo uu sito. Inkasta oo dakhliga qofku sareeyo haddana Japan waxay ka mid tahay dalalka dadka nafta iska jaraa ay ugu badan yihiin, waxaana sanadkii 2013, 2014. 215 ay tirada isdilku gaadhay 30 kun qof, iyadoo weliba la sheegay inay hoos usoo dhacaday, waxaana lagu qiyaasay in maalinti 70 qof nafta iska jaraan.   Sababha keena inuu qofku is dilo ayaa lagu sheegay inay tahay iyadoo uu ilaalinyo sharaftiis ka dib furiin, imitxaan ku dhicid ama dayn lagu yeeshay.

Japan guuldaradii ka soo gaadhay dagaalkii labaad ka dib waxay dastuurkooda ku qoreen in aanay weligood hub iyo ciidan samayn waxaana ay u jeesteen dhanka horumarka, oo ay hormoodka dunida ka noqdeen.

Leave a Reply