Golaha Guurtidda Somaliland Oo Guddi U Saaray Beelo Ku Diriray Sanaag

0
509

Hargaysa (Dawan):Golaha Guurtidda Somaliland ayaa xubno guddi ergo ah oo ka soo gar-naqda u saaray shaqaaqo u dhaxaysa laba beelood oo wada dega gobolka Sanaag.

Beelahaasi oo bishii November ee  sanadkii 2019-kii ku diriray degaanka loo yaqaano Shidan oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Degaanka Shidan  ayaa qiyaastii masaafo dhan 30 KM u jira degmadda Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Dagaal beeleedkaasi  oo  la xidhiidhay dhinaca arrimaha qabiilka waxaa  ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaadhay labadda dhinac ee dirirtu u dhaxaysay.

Inkastoo markii danbe dirirta beelahaasi ay soo kala dhex galeen ciidamadda qaranka Somaliland ee aagaasi fadhiisinka ku leh.

Xubnaha guddiga ah ee ay u saareen  golaha Guurtidu ayaa ka qayb qaadan doona xalinta xur-gufta u dhaxaysa labadan beelood ee Ood-wadaagta ah.

Fadhigii maanta ee golaha Guurtidda Somaliland oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa lagu xulay 10  xildhibaan oo hawshaasi u bixi doona.

Waxaana xubnahan xildhibaanadda ah ee la xulay magacyadoodda warbaahinta u akhriyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Guurtidda Siciid Jaamac Cali.

Waxaanu yidhi, “Xildhibaan Axmed Daahir Jirde, guddoomiye. Xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan, xildhibaan Cali Maxamuud Huruuse, xildhibaan Cumar Nuur Xasan, xildhibaan Maxamed Faarax Axmed,

Xildhibaan Axmed Xaaji Cabdi Xuseen, xildhibaan Xasan Cumar Axmed, Diini C/laahi Handi, xildhibaan  Cawil Xuseen Maxamuud, xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, iyo xildhibaan Cawil C/laahi Caydiid”.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply