Magaalada Washington oo xaalad degdeg ah loogu dhawaaqay

0
488

Washington (Dawan)- Magaalada Washington ee dalka mareykanka ayaa xaalad deg deg ah loogu dhawaaqay kaddib marki qofki ugu horreeyey ee qaba cudurka Coronovirus uu cudurka u dhintay.

Qofkii ugu horreeyay ayaa cudurkaasi Coronavirus ugu dhintay dalkaasi Mareykanka, gaar ahaan gobolka woqooyi galbeed ku yaal ee Washington, halkaasi oo haatan xaalad deg deg ah looga dhawaaqay.

Mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaasi ayaa sheegaya in nin da’diisu tahay kontomeeyo oo xaalado caafiamad oo hore la il darnaa uu haatan cudurkaasi u dhintay.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in dadka kale uu cudurkaasi soo rito balse, dal ahaan ay u diyaarsan yihiin xaalad kasta oo soo wajahdo.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in xayiraad lagu soo rogayo dadka doonaya in ay u safraan dhanka dalka Iiraan, waxaana shacabka dalkaasi Mareykanka loogu baaqay in aysan booqan deegaannada uu cudurkaasi ka dillaacay ee waddamada Talyaaniga iyo Kuuriyada Koonfureed.

Gobollada California, Oregon iyo Washington ayaa walaac weyn ka muujinaya in cudurkani uu ku dhacayo dadka aan u safrin waddamada uu cudurka ka dillaacay ama aan wax xiriir ah oo la ogyahay aan la yeelan dad qaba cudurkaasi.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee gobolkaasi Washington ayaa sheegaya in haatan ay baaritaan ku wadaan suurtagalnimada in cudurkaasi uu ka dillaacay isbitaal ku yaalla halkaasi oo ku dhawaad 25 qof ka mid ah shaqaalaha isbitaalkaasi iyo 27 qof oo ka mid ahna ay yihiin ah dadka deegaanka looga shakisan yahay in cudurkaasi ay qaadeen.

Gudd ahaan, gudaha dalkaasi Mareykanka cudurka ayaa laga helay 62 qof, waxaana muwaadinkii ugu horreeyay oo mareykan ah uu cudurkaasi ugu dhintay gobolka Wuhaan ee dalka Shiinaha.

Caalamka oo dhanna, in kabadan 85 kun oo qof ayuu cudurkaasi ku soo ritay 57 waddan, waxaana sidoo kale ilaa haatan u dhintay saddex kun oo qof guud ahaan caalamka.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply