Sidee Ayay Tahay Xaaladda Tahriibayaasha Soomaalida Ah Ee Ku Sugan Xadka Giriigga?

0
525

Istanbul (DAWAN) Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in kumannaan muhaajiriin ah ay durba ka gudbeen xadka dalkaas, iyagoo usii gudbay qaar ka mid ah dalalka Yurub, arrintan ayaa ka damebysay kaddib markii dhowaan uu Tukrigu xadkiisa albaabbada u furay. Faahfaahinta warkaasina Bushra Noor Maxamed ayaa inoo haysa. Qoxootigan waxaa ka mid ah Somaali halkaasi dano kala duwan u joogay, waxay qayb ka yihiin qoxootigan ku qulqulaya xadka xidhan ee Greega.

Qaar ka mid ah dadka ku go’doonsan xadka u dhexeeya labada dal oo Soomaali ah oo nala hadlay ayaa sheegay inay aad u walaacsan yihiin oo xaaladdoodu aysan wanaagsanayn, iyaga oo la kulmay tacaddi farabadan. Cabdikaafi Maxamed Cali oo ka yimi muqdisho ayaa isna sheegay, in taladii la siiyey uu qaatay oo uu doonayo inuu isagu dib isaga laabto oo uu ka rejo dhigay xaaladda hadda uu arkay.

Madaxweyanaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayey u muuqata inuu ka dhamaaday dulqaadkii u hayay qulqulka muhajiriinta ka dib markii 33 askari looga dilay duqayn ka dhacday magaalada Idlib oo ku taalla waqoyiga dalka Suuriya.

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uusan xamili karin muhajiriinta cusub ee dalkiisa kusoo qulqulaya, wuxuuna intaasi raaciyay in midowga yurub ay uga baxeen ballamadi ay dalkiisa la galeen sannadki 2016-kii. Madaxweyanaha ayaa sheegay in 18kun oo muhaajiriin ah ay ka tallaabeen xuduudaha u Turkiga la wadaago wadamada Yurub kadib markii albabada loo furay muhaajirinta si ay xadka uga talaabaan.

Greega ayaa sheegay in ay albaabada ka xidheen muhajirinta sida sharci darada ah uga soo talaabada xadka Turkiga. Ciidamada ayaana dadka ku kala eryaaya suntan dadka ka ilimeysiisa. Wasirka difaca dalkaasina wuxu sheegay in dalkiisa usan aqbaleynin muhajirin cusub.

Turkiga ayaa hoy u ah muhaajirin gaareysa 3.7 milyan oo badankood ka kala yimid Suuriya iyo Afghanistan. Mr Edrogan wuxuu waddamada reer galbeedka ku eedeeyey ballamihi ay horay u qaadeen ee ku saabsanaa qoxootiga iney jabiyeen.

Source: BBC

Leave a Reply