Bogaga Nolashu Ma Wada Adka!

0
702

Dysleksi, waa xanuun ku dhaca caruurta inkasta oo la sheegay in tiro yar uu ku dhaco kuwaasi oo dunida in 100 ah caruur ee dunida kala jooga waxa uu haleela 5% keliya.  Xanuunka ayaa ah mid la xidhiidh fahanka caruurta casharada maclinku uu dhigayo , akhriska iyoku dhowaaqidda erayda.

Marka aad ogaato in aanu ilmaha yari ay ku adag tahay fahamak casharka iyo akhriska , maaha inuu maskax xun yahay laakiin wuxu u baahan yahay in qaab gaar ah wax loogu dhigo.

In aanu ilamhaasi ahayn mid damiin ah oo aan waxba fahamyn isla markaana maskax xun waxa cadeeyay Maalqabeenka Sir Richard  Charles oo uu dhashay dalka Ingiriiska oo ah ninka asaasay shirkadda Virgin Atlantic ee dayuuradah oo maanta ah kuwa ugu waaweyn caalamka.

Waxaana uu sheegay inuu ah mid ay ku adag tahay fahamka iyo akhriska casharada dugsiga isagoo sheegay inuu xata dhici jiray imtixaanka. Macalimiinta iyo ardayda ayaa ku dhaleecayn jiray inuu yahay damiin aan waxba fahmin iyo inuu dugsiga iska baxao inta aanu wakhtigu ka dhicin.

Waxaana uu  sheegay inuu markii uu gaadhay da’da 15 sano uu iskaga baxay dugsiga markii uu adkaysan waayahay dhaleecaytii faraha badan. Laakiin sanadkii ku xigay ayauau sameyay wargeysa arrimaha ardayda ka hadla, muddo yar ka dibna wuxu abuuray dukaan lagu iibiyo cajalada.

Dukaankasi ayuu ah halka uu ka curiyay shirkadaha kala duwan ee maanta ninkani leeyahy.  Noloshu waa buug weyn, haddii aan bog ka mid ahi aad fahmi weydo maaha inay sidaasi waa tahay.   Richarad oo sanadkan da’diisu gaadhay 70 sano waxa hantidiisa lgu qiyaasay sanadkii 2019 inay dhamayd 4 Billyan doller, waxaana uu ka  mid noqday maalqabeenada dunida.

 

 

Leave a Reply