Xikmadaha

0
1044
  • Dulqaadku waa geed qadhaadh, oo soo saara midho macaan
  • Dadka wanaagsani waa sida shamac, naftooda ayay gubaan si ay iftiin u siiyaan dadka kale.
  • Ha ooyin maxaa yeelay way dhamaanaysa, dhoola cadde iyadaa farxad ah.
  • Runtu waa sida libaaxa uma baahna inaad difaacdo, iyadaa is cadaynaysa.
  • Haddii aanad qoraa ahayn, noqo akhriste wanaagsan waad faa;iidiye
  • Bertrand William Russell oo faylasuuf Ingiriis ah ayaa yidhi:“ Noloshu way ka gaaban kana kooban tahay oo haddana ka qiimo badan tahay inaan uruurinno gefafka dadka kale inagu sameeyaan iyo in dadka la isku diro oo belaayo la dhe dhigo”.  Waxa uu intaa ku daray “ dadka khaladka uruuriyaa waxa ay  iska lumiyaan wakhti qiimo badan halka kuwa dadka isku diraanna ay noqdaan dad qiimihii nolosha gabay oo cimri gaaban”.
  • Guusha Weyn waxaad gaadha markaad naftaada ka Guulaysto.
  • Aadamiga waxa nolosha jeclaysiiya waxa ugu muhiimsan rajada
  • Qiimaha qofku wuxuu ku jiraa, inaad baahidaad qarsato ilaa ay dadku kuu qaataan inaad tahay mid hodan ah. Inaad Qarsato cadhaadaada ilaa laguu qaato inaad  faraxsan tahay.  In marka xaaladdu kugu xumaato aad qarsato ilaa loo qaato in xaalkaagu wanaagsan yahay.

Leave a Reply