Cabista Biyo Badan Iyo Nadaafadda Waa Muhiim

0
616

Tv-ga Al-carbiya oo soo xignayay Dhakhaatiir  jooga dalka Taiwan ayaa baahisay inay sheegeen inay jirto qaab fudud oo aad ku ogaan karto adigoo gurigaaga jooga inaad qaaday xanuunkan dunida ku sii faafiya.

Dhakhaatiirtan ayaa sheegay in 10 ilbidhiqsi aad isku tijaabiso inaad hawada qaadato si xidhiidh ah , haddii aanad dareemin daal iyo neef qabatin waxay taasi muujinaysaa in sababadadu ay caafimaad qabaan oo aanad qabin xanuunkan.

Dhakhaatiirtan ayaa kula taliyay dadka jooga goobaha cudurku ku faafay inay subax walba tijaabadan sameeyaan, si ay u qaataan hawo nadiif ah.

Laakiin haddana habkaasi ayay dad badani aanay u haysan mid sidiisa sax ku noqonaya madaama ay jiraan dad badan oo xanuunada neef mareenka qaba sida xiiq iwm.

Dhakhaatiirta ayaa ku taliyay in qofku cabo biyo badan oo markasta loo baahan yahay inay dhuuntiisu qoyanaato, isla markaana nadaafadda gacmaha lagu dadaalo.

Leave a Reply