Dawlad Cidhiidhiga Iyo Jaamka Gaadiidka Habaysay

0
607

Dalka Luxembourg ayaa noqday waddankii ugu horreeyay adduunka ee gaadiidka dadweynaha ka dhiga lacag la’aan.  Dalka yar ee Yurub ayay ujeedadiisu tahay in la xoojiyo, tareenka iyo isticmaalka baska laga takhaluso si loo yareeyo cidhiidhiga saxmadda gaadiidka wadooyinka xanibaya.

Wasiirka Gaadiidka Luxembourg Mr.Francois Bausch ayaa yidhi ” maalin wanaagsan, maaddaama aynu noqonay waddankii ugu horreeyay ee Dunida ka dhiga tikidhada gaadiidka dadweynaha oo bilaash ah”.

Qaranka yar  ee hodanka ah kuna yaalla buurlayda u dhaxaysa Jarmalka, Belgim iyo Faransiiska ayaa dhirigelinaya in dadku ka maarmaan gaadiid ay gaar u yeeshaan madaama ay sanadkii u dhigmayso lacag dhan  600 lacagta Yurub ah, tasi oo kaga bixi jirtay tigidhada gaadiidka basaska ah.

Iibinta hore ee tikidhada gaadiidka aya ahayd € 2 , waxaana ka ahayd € 41 milyan ($ 45 milyan) ama kaliya 8% miisaaniyada sanadlaha ee dalka Luxembourg ee ah. Gaadiidka dadweynaha ayay hadda wixii ka danbeeya lagu maalgelin doona cashuurta miisaaniyadda qaranka.

 

Leave a Reply