Somaliland: Waa la heshiiyey guul maaha..!Faallo.S.C.C Kalshaale

0
747
Madaxweyne Muuse iyo Hogaamiyeyaasha asxaabta qaranka oo heshiis saxeexay
Madaxweyne Muuse iyo Hogaamiyeyaasha asxaabta qaranka oo heshiis saxeexay..

Heshiiska saddexda Xisbi qaran ee Somaliland ka gaadheen khilaafka dhismaha guddida Doorashada iyo qaabka farsamo ee Doorashadu u dhacaysaa, waxa uu xal u noqonayaa haddii uu waaro, mid  kamida caqabadaha ugu sahlan ee wakhtiga dheer hor-yaallay geedi-socodka qabsoomida Doorashooyinka Goleyaasha Baarlamanka iyo Deegaanka oo uu bariinsaday cudurka muddo-dhaafka ah ee galay markii shanaad laga soo bilaabo sanadkii 2010-ka.

Heshiiskan oo aanay laftiisa ka madhnayn gol-dalloollooyin muujinaya in hirgelnimadiisa ay su’aallo macquul ah dul-yaallaan, kana dhashay dani ku baday iyo maslaxad ka timi lad-qabo dadweyne, marka horena ceeb iyo canaan ugu filnaa wakhtiga dheer ee kaga lumay xal-ka-gaadhistiisa hogaamiyeyaasha saddexda xisbi Qaran, waxa qudha oo uu ka jawaabay yooyootankii madaxweynaha iyo labada hogaamiye mucaarid ka dhex aloosnaa labadii sannadood ee u dambeeyey.

Hase yeeshee, heshiiskani kama jawaabin sida looga gudbi karo, goorta qodaxda laga guri doono iyo cida masuuliyaddeeda dusha u ridanaysa sidii ay howsha doorashadu uga talaabi lahayd  buundooyinka cidhiidhiga iyo bacaadka badan ee tagto iyo joogtaba Goleyaasha xeer-dejinta iyo Asxaabta qaranku ka maagayeen in miiskan ay iminka ku heshiiyeen saddexda xisb  oo kale inta lagu baandheeyo heshiis lagaga gaadho.
Inkasta,oo isu laab-furnaanta iyo wada shaqaynta daneeyayaasha Doorashadu ay tahay arrin ahmiyaddeeda u leh qabsoomida Doorashooyinka , haddana waxa hubaal ah in aanay ahayn mid dhabaha u xaadhaysa in ay mowqif mideysan ka yeeshaan doodda adag iyo dareenka dadweyne ee ka soo socda saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee Gobolada, Kootada Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay iyo is-waafajinta habka ay isu raaci karaan Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaamadu.
waxa hubaal ah in qodobadan aanay marna isfaham ka gaadhin saddexda xisbi, isla markana xilli  xaalada siyaasaddu sidan iminka ka qabowdaay  ay dhamaantood gacmaha ka wada laabteen in ay si wada jir ah u dooxaan uur-ku-taallada ka taagan waxa laga yeellayo, kuna qanciyaan shacbiga ku dhaqan gobolada ka cabanaya arrinta saami-qaybsiga iyo dadka kooto-doonka ah, iyagoo muhiimada siinaya  sida ay u kala sahlan yihiin in loo furdaamiyo.
Sida la ogyahay furfurista arrimaha saami-qaybsiga iyo Kootada oo muddo dheer ka hadalkoodu socday, waxa ay saddexda xisbi, Shir-guddoonka labada Golle iyo daneeyayaal kale oo ka socday Ururrada Bulshada rayidka ahi  maaro u waayeen bishii Jully ee sanadkii 2015, kolkaasoo ay furdamintooda ku soo riixeen madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isaguna isagoo sida muuqatay eedd ka carar ah isu soo dhaafiyey  Goleyaasha xeer-dejinta.
Iyadoo laga shidaal qaadanayo marxaladahan hore iyo duruufihii ku lamaanaa, waxa muuqata in culayska ugu weyn ee qabsoomida doorashada horyaallaa uu yahay qodobka saami-qaybsiga oo ah kan ugu adag,  iyadoo aanay qaabeynta Kootada Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay qudheedu ahayn howl fudud.
Sidaa awgeed, waxa lagama maarmaan ah, si’ uu midho-dhal u noqdo heshiiska ay khamiistii la soo dhaafay qallinka ku duugeen Madaxweyne Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng. Faysal, in iyagoo ka duulaya baahida uu dalku u qabo qabyo-tirka shuruucda masiiriga ah, dheeli-tirka siyaasadda hogaaminta talada, turxaan bixinta tabashooyinka saamiga iyo qabsoomida Doorashada goleyaasha, ay si wada jir ah u waajahaan amuurahan furdaamintooda, isla markaana inta uu qoyan yahay heshiiskoodu natiijo la mahadiyo, shacabkuna ku qanacsan yahay ka soo saaraan. sidoo kale ay hab wada-jir ah dabada uga riixaan xeerka sanadihii u dambeeyey la karkarinayey ee arrimahaasi lagu qeexay oo inta la ogyahay golaha wakiillada yaalla.
Si kastaba ha ahaatee, inta ay geedi-socodka  Doorashada goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ku gedaaman yihiin caqabadaha ka tagsan xifaaltanka xisbiyada ee todobaadkii hore laga heshiiyey, xaqiiqda dimuquraadiyada Somaliland waxa ay ka dhigan tahay “inta maanku gaajaysan yahay guulli waa wali, xisbiyada garoonka siyaasadda ku loollamayana guul uma aha isfaham ay maalin ka gaadheen jaafaa jiriqa dhexdooda.
Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Soosaareyaasha Wargeyska Dawan
Email: curad1986@hotmail.com

Leave a Reply