Laascaanood: Badhasaabka Sool oo ka hadlay dhismaha Wadada isku xidhaysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada oo la furay

0
665

Laascaanood(Dawan)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka, Maareeyaha Wakaalada Waddooyinka iyo Badhasaabka Gobolka Sool oo ay weheliyaan maayirka Magaalada Laascaanood iyo masuuliyiin kale, ayaa xadhigga ka jaray Waddo 5KM oo isku-xidhaysa magaalada iyo garoonka Diyaaradaha, taasoo Laami la saaray.
Wadadan oo dhismaheeda ay iska-kaashadeen Xukuumadda iyo Hay’adda TISS-PLUS, ayaa waxa lagu daah-furay munaasibad kulmisay masuuliyiinta hay’adda dawladda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxaana khudbado halkaasi laga jeediyey lagaga hadlay ahmiyada wadadani u leedahay isu-socodka magaalada iyo garoonka diyaaradaha.
Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo kamid ahaa masuuliyiinta xaflada ka hadlay, ayaa sheegay in dhismaha wadadani ka mid yahay mashaariicda horumarka gobolka kor loogu qaadayo, waxaanu u mahad celiyey hay’addaha fuliyey mashruucan.
“Waxaan u mahad cellinaya haya’adda Tiss-Plus, wasaaradaha arrimaha gudaha iyo wasaarada gaadiidka horumarinta jidadka iyo dowladda hoose oo iska kaashaday dhismaha waddadan muhiimka ah. Waxayna qayb ka noqonnaysaa mashaariicda baaxadda leh ee guud ahaan ka socda gobolka Sool.”

Guddoomiye Jiidhe, ayaa intaasi ku daray “ka maamul ahaan waxaa naga go’an anagoo isku duuban inaanu sii xoojino horumarka tis qaaday ee gobolku cagta saaray.”
Masuuliyiin kale oo iyaguna munaasibada hadallo ka jeediyey, ayaa ka markhaati kacay horumarka gobolka Sool ka socda, waxaanay bogaadiyeen in la sii dardar geliyo.

Leave a Reply