Soomaaliya: Dad lagu qiyaasay 2.6 milyan oo ku barokacay colaadaha sii socda

0
592

Qaramada midoobay oo walaac weyn ka muujisay colaadaha barakaca badan sababta u noqday ee ka socda Soomaaliya

“Waa in wax kasta oo suurtagal ah la sameeyaa si loo yareeyo waxyeello ku timaadda dadka rayidka ah ama bubur soo gaara dugsiyada waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo guryaha dadka rayidka ahi degganyihiin,” sidaasi waxa yidhi Isuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada Qaramada midoobay ee Soomaalida Mr. Adam Abdelmoula.
Tobaneeyo kun oo qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku baro-kaceen colaadaha ka soo cusboonaaday gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya laga soo bilaabo horaantii bishii Febraayo ee sannadka 2020.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan kooxaha ay khuseyso iney qaadaan tallaabo kasta si loo ilaaliyo dadka rayidka ah iyo agabkoodaba.”ayuu raaciyey hadalkiisa Abdelmoula.

Mid kamida dagaallada ayaa dhacay Salaasadii shalay, kaddib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo kuwo ka amar qaata Maamulka Federaal ah ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo isku dilay degmada Beled-xaawo.

Dagaalka ayaa dhacay maalin kaddib, weerar ay Ciidamada DF ku qaadeen magaalada Dhuuso mareeb oo ay amnigeeda gacanta ku hayeen Maamulka Ehlusunna waljameeca.
Dad badan ayaa ku hanti iyo hoy beellay dagaalka Beled-xaawo ka dhacay oo sida la sheegayo aan hubka loo aabbo yeelin meelaha rayidku ku sugan yihiin.

“Waxaa lagama maarmaan ah in qeybaha ku lugta leh colaadahan ay xil iska saaraan sidii dadka rayidka ahi ayagoo bedqaba uga soo bixi lahaayeen goobaha colaaduhu ku qabsadeen si ay u helaan kaalmooyinka bini’aadamnimo ee ay u baahanyihiin,” ayuu ku taliyey isuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada qaramada midoobay.

Dad lagu qiyaasay 2.6 milyan oo qof ayaa hadda ku barakacsan gudaha Soomaaliya sababo lagu xidhiidhinayo colaadaha waddanka ka socda iyo mashaqooyin ka dhashay isbedellada cimilada.
Sannadkii tegay ee 2019 oo kaliya, 190,000 oo qof ayay colaaduhu barakiciyeen. Bishii jannaayo ee sannadkan 2020, dad gaadhaya 35,000 oo qof ayaa barakacay, 28,000 oo tiradan ka mid ah waxay guryahooda uga carareen xaalado amni darro.

Soomaaliya, inkasta oo saxeexday heshiis dhigaya in ay ilaaliso xuquuqda dadka barakacayaasha gudaha ah, haddana marka la eeggo xaalada iminka ee heerka barakacayasha, waxa muuqata in mushkiladaha dalkaasi ka taagan ee dhinaca nabad-gelyada iyo bina-aadaminimdu ay yihiin kuwo aan wali wax badan hoos uga soo degin burbur-kii ku habsaday markii uu meesha ka baxay sanadkii 1991-kii nidaamkii Keli-taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.

Leave a Reply