Madaxweynaha Midowga Yurub Oo Sheegay In Uu Boqasho Ku Tagaayo Xuduudka Turkiga Iyo Giriiga.

0
629

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Midawga Yurub Sharek Michel ayaa ku dhawaaqay qorshihiisa ku aadan xaaladda ka taagan xuduudka dalalka Turkiga iyo Giriiga isagoo tilmaamay inuu booqasho ku tagayo Talaadada beri ah si uu usoo qiimeeyo xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta, waxaana socdaalkaas ku wehelin doona Raiisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis.

Arrintan ayuu kaga hadlay qoraal uu kusoo daabacay bartiisa Twitter-ka isagoo sheegay inuu  taageersanahay qorshaha ilaalinta xuduudka Giriiga halkaas oo ay kumanaan tahriibayaal ahi doonayaan inay uga gudbaan dhinaca dalalka kale ee yurub.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay inuu kulan la qaadan doono Raiisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis kulankaas oo ay kaga arrinsan doonaan qorshaha ugu haboon ee laga yeeli karo tahriibayaasha doonaya inay ka gudbaan xuduudka Turkiga iyo Giriiga.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in waddankiisu albaabadiisa u furay qaxootiga doonaya inay u gudbaan dalalka Yurub, isagoo carrabka ku adkeeyay in Dawladda Turkiga aysan lahayn tabar ay ku xakameeyaan qulqulka tahriibayaasha.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha Gudaha Dawladda Turkiga Suleiman Soylu oo warbixin kasoo saaray tahriinbayaasha wuxuu shaaciyayay in tirada muhaajiriinta ka tagay waqooyiga magaalada Edirne ee dalka Turkiga oo xigta dhanka Yurub ay gaarayaan 100,000 qof oo muhaajiriin ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply