Hargeysa: Dhismaha Jid isku Xidhaya Xaafadaha Dab-lataagay iyo 150-ka oo la Bilaabay

0
675

Hargeysa (DAWAN) Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa bilowday hirgelinta jid cusub oo isku xidhi doona xaafadaha 150-ka iyo Dab-lataagay ee caasimada hargeysa.

Dhismaha wadadan ayaa waxa iska kaashanaya bulshada ku dhaqan xaafadda Dab-lataagay iyo dawladda hoose ee caasimada Hargeysa.

Munaasibad loo sameeyay bilowga dhismaha jidkaasi cusub ayaa waxa ka hadlay xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, guddoomiyaha degmada Gaxan-libaax, guddoomiyaha ganacsatada xaafadda boqol iyo kontonka iyo guddoomiyaha iskaashatada basaska ee u adeega xaafaddaasi, waxaanay soo dhaweeyeen dhismaha jidka cusub ee isku xidhi doona labadaasi xaafadood, iyo muhiimada ay waddadaasi u leedahay isku xidhka bulshada ku dhaqan.

DAAWO:

Leave a Reply