Maamulka Gobolka Saaxil oo kormeeray mashaariic wakaaladda biyaha ee Berbera ka wado magaaladaas

0
475

Berbera (DAWAN)- Maamulka Gobolka Saaxil ayaa kormeeray qaar kamid ah mashaariic ay wakaaladda biyaha ee Berbera ka wado gudaha magaaladaas.

Maareeyaha wakaaladda Biyaha ee Berbera, Saleebaan Cabdi ayaa masuuliyiintaas warbixin ka siiyay mashaariicda ay wadaan iyo halka ay marayaan. Waxaanu sheegay inay wax badan ka qabteen farsamaynta beebabka magaalada biyaha keena kuwaas oo ciladi ku timi maareeyuhu waxa uu sheegay haatan wadaan beebab cusub  biyaha keeni doona magaalada iyadoo laga guuri doono kuwii hore.

Meeyarka magaalada Berbera Cabdishakuur Xasan Maxamuud iyo Xoghayaha fulinta dawladda hoose Cabdikariin Aadan Cadde ayaa sheegay dhinacooda dawladda hoose inay garab taagan yihiin wakaaladda biyaha ee Berbera iyo horumarinta ay ka samaynayso biyaha magaaladaasi. Waxanay ku bogaadiyeen shaqada fiican ee ay u qabteen bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil  Eng Axmed Cismaan Xasan ayaa maamulka iyo shaqaalaha wakaaladda biyaha ee Berbera ku tilmaamay inay wax muuqada ka qabteen biyo yaraanta magaalada Berbera.

Masuuliyintan ayaa sidoo kale kormeeray Ceelasha biyaha ee Kalajab kuwaas oo laga waddo hawl galo isku xidhaya ceelashaash si looga faa’iidaysto biyahooda.

Leave a Reply