Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Oo Sheegay In Uu Guul Ka Gaadhay Doorashada Guud Ee Dalkiisa

0
527

Israel (Dawan)- Ra’iisul Wasaaaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu guul wayn kasoo hooyay doorashada guud ee Israel.

Codadka doorashada oo latiriyay 90% ayaa xisbiga talada haya ee Likud Party ku adkeesanayaan in ay guulo ka gaareen doorashada.

Netanyahu ayaa tartan adag kala kulmaya hogaamiyaha xisbiga Blue and White Benny Gantz, oo ah taliyihii hore ee ciidamada difaaca Israel.

Doorashadan ayaana ah tii sadaxaad oo Israel ka dhacaysa mudo sanad gudihiisa, iyadoona sidoo kale kusoo aadeeso xilli Ra’iisul Wasaare Netanyahu wajahayo eedeemo musuq maasuq.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply