Tiradii Dhimashada Talyaaniga Oo Sii Badanaysa Xili Uu Adduunka Oo Dhan Ka Sii Faafayo Cudurka coronavirus

0
687

Warbixin(Dawan)- Dowladaha adduunka oo dhan ayaa ku foogan inay soo bandhigaan tallaabooyin lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19, kaas oo adduunka oo dhan ku sii kordhaya, Shiinaha oo ah halka uu fayrasku asal ahaan ka soo bilawday dhammaadkii sanadkii hore  wali waxay isku dayayaan inay xakameeyaan hayeeshee kumay guulaysan.

Waxaa jira in kabadan 90,000 oo kiis oo la xaqiijiyay adduunka oo dhan – tirada ugu badan waxay ka jirtaa dalka Shiinaha halkaas oo dad aad u tiro badan uu dilay cudurku. hayeeshee  dhimashada Talyaaniga, iyo Iran ayaa Iyana ah mid aad u badan waloow ka yartahay mida shiinaha, halka  mas’uuliyiinta Mareykank ay dhankooda la tacaalayaan inay xakameeyaan COVID 19 oo ilaa hada inta la ogyahay dilay 8 ruux waxana ay isku dayayaan inay  xayiraad saaraan safarada.

Dhinaca kale Kuuriyada Koonfureed, ayuu madaxweynuhu ku dhawaaqay “dagaal”ka COVID-19, ka dib markii ilaa 516 kiis oo cusub  lagu dhawaaqay subaxnimadii saaka oo Arbaca ah, taasoo ka dhigeysa wadarta guud ee 5,328.

Sidoo kale, Morocco, Andorra, Armenia, Iceland iyo Argentina ayaa dhammaantood xaqiijiyay kiisaskoodii ugu horreeyay ee fayraska 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Maamulka caafimaadka ee Irish ayaa isna xaqiijiyay kiis labaad ee cudurka ‘coronavirus’,Waxana Bukaankan labaad lagu sheegay inuu ahaa haweeney ku nool bariga waddanka oo dhowaan u safray Talyaaniga, sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka ee Ireland.

“Maanta waxaan xaqiijineynaa in Ireland laga helay hal kiis oo cusub oo ah COVID-19. Waaxda Caafimaadka ayaa sidaas u sheegtay warfidiyeenka.

Qaaradda Afrika, dalalka kala ah Masar, Morocco, Tunisia, Nigeria iyo Senegal ayaa shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona

Sagal Filibiin

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply