Doorashada Xisbiga Dimoqoraadiga Ee Dalka Maraykanka Oo Meel Adag Maraysa

0
584

Washitoon (Dawan)- Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Joe Biden ayaa guulo muhiim ah ka gaaray doorashadii ugu danbeesay ee ka dhacday dalka Marykanka.

Doorashadan oo ah mid ay xisbiga Dimoqoraadiga kusoo saarayaan musharaxii latartami lahaa madaxwaynaha talada dalkaasi haya ee Donald Trump dabayaaqada sanadakan.

Mr Biden ayaa ku guulaystay lix gobol oo kamid ah 14’kii gobol ay ka dhacday doorashadii ugu danbeesay.

Musharaxa kale ee dhanka Dimoqoraadiga ee Bernie Senders oo ah ruuxa ugu cad cad doorashada ayaa isagana lafilayaa in ku guulaysto gobolada Colorado iyo kan lagasoo doorto e Vermont.

Musharaxa ugu cod bato doorashadan ayaa bisha November ee sanadkan latartami doono madaxwayne Trump oo dhanka Jamhuuriga ku matalaya doorashada guud ee Mareykanka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply