Xiisadda Midowga Yurub Iyo Turkiga Oo Gaadhay Meeshii Ugu Xumayd

0
494

Hargeysa (Dawan)- Wadamada midowga yurub ayaa soo bandhigeen lacago dheeraad ah oo loogu talagalay booliska xuduudaha ee Giriiga iyo gargaarka bini’aadanimo oo loo fidinayo dadka ku dhubaataysan gobolka idlib ee dalka Syria.

Wasiirrada arrimaha gudaha ee midoowga yurup ayaa Arbacadii ku kulmay magaalada Brussels kuna yeeshay shir deg deg ah, ayaa shaaciyay in shirkooda uu hor dhac u yahay shirar wasiirada arrimaha dibadda dalalkaasi ay yeelanayaan maalmaha khamiista iyo jimcaha.

Bayaan horu dhac ah oo ay si wadajirka ah, wasiirrada arimaha gudaha midowga yurup usoo saareen ayaa waxay ku cadeeyeen in turkiga uu si wayn ugu xad gudbay qaxootiga islamarkaana meel cidlo ah uu kusii daayay.

Todobo boqol oo milyan oo yuuro ayaa loogu deeqay policeka iyo militeriga gareega si ay usii hor taagnaadaan kumanaanka kun ee muhaajiriinta ah.
In ka badan 25 kun oo qaxooti ah ayaa iminka ku go’doonsan xadka ay wadaagaan turkiga iyo gareega iyaga oo wajahaya xaalad nolol oo aad u liidata.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply