Kumanaan Reer Hargeysa oo Murug iyo Farxad La Wadaagay Saxafi Maxamed Haldoor

0
711

 

Hargeysa-(Dawan)-Madal ay kasoo qayb galeen Kumanaan ka mid ah shacabka oo ay horkacayeen Masuuliyiin ka socda Xukuumadda iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa xalay loogu qabtay Xarunta dhaqanka ee Magaala Hargeysa ,Wariye Maxamed Muuse Jaamac Haldoor oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ,dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland .

Image may contain: one or more people and crowd

Madasha oo ku bilaabmatay jewi degan ayaa waxa ay mar kaliya isku bedeshay murugo ka dib  markii Saxafi Haldoor bulshada la wadaagay tacdiyo xanuun badan oo uu kala kulmay qaar ka mid ah bulshada ,  kuwaasi oo ay kala siman yihiin dadka naafada ah ee uu qaybta ka yahay waxaanay murugadii Farxad isku bedeshay markii uu soo bandhigay sahankisii guusha ee tobanka sanno iyo sida ay u garab istaageen qaar ka mida labeenta bulshadu .

Image may contain: 7 people, crowd

 

 

Munaasibada oo ay ka hadlay Masuuliyiin iskugu jira Xukuumadda iyo Xisbiyada ayaa waxa ay Haldoor ku dhiiri geliyeen sidii uu uga gudbay qodxo badan oo noloshii hor yaalay waxaanay ugu baaqeen in aanu joojin hayaanka ugu jira guusha nololsha .

Image may contain: 5 people, people sitting

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta , dhaqanka iyo Wacyi gelinta ayaa Maxamed ku amaanay dadaalka uu sameeyey waxaanu ku booriyey inuu halka kasii wado Sahanka guusha .

Image may contain: 4 people, people sitting

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani , Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa dhinaciisa sheegay in Xisbi ahaan ay Saxafiga ugu deeqeen Baabuur ka saacida hawlihiisa shaqo Maadama uu luagaha wax ka qabo , waxaanu dadka aaminsan in aanay naafadu wax qabsan Karin usoo jeediyey inay ku daydaan  “Waxa aan xalay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa kaga qeyb-galay madal dhiiri-gelineed oo uu Suxufi Haldoor Maxamed 10sanno gudahood ku soo bandhigayey guulaha uu gaadhay, Maxamed-yare runtii laxaad la’aantiisu kuma ay abuurin quus iyo rejo dhig, balse waxa ay ku shidaalisay in uu nolosha maanta kaalin muuqata oo wax ku ool ah ka qaato [Disability is not inability , Maxamed yare, Xisbi ahaan waxa aanu ugu deeqnay xalay gaadhi yar oo uu duruuftiisa ku dabaran karo, markasta waxa aanu garab taagannahay bulshada inta nugul.” Ayuu yidhi

Image may contain: 16 people, crowd

Image may contain: 32 people, crowd

 

 

 

Leave a Reply