Nairobi: Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shir Ku Saabsan Midaynta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Afrika

0
480

Nairobi (Dawan): Shir ku saabsan midaynta dhaqaalaha iyo ganacsiga wadamadda qaaradda Afrika ayaa maanta ka furmay magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

U jeedadda shirkaasi ayaa la xidhiidhay sidii mustaqbalka dhaw loo kobcin lahaa suuq hor ah oo ganacsina loogu samayn lahaa wadamadda Afrika, oo hadda dhaqaalahoodda iyo tiradda dadkuba aad u kordhayaan.

Waxaana shirkaasi  wada jir u soo qaban qaabiyay hay’adda ganacsiga bariga Afrika iyo hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan dhaqaalaha Afrika.

Iyadoo shirkaasi si rasmiya loogu soo casuumay jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ay ka soo qayb galeen  wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday wadamadda bariga Afrika ee Tanzania, Uganda, Burundi, Ruwanda,Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxaa shirkan ka soo qayb galay madax ka socotay hay’adaha iyo shirkadaha daneeya arrimaha ganacsiga ee xidhiidhka la leh wadamadan bariga Afrika.

Shirkaasi waxaa ka qayb galay wefti ka socday Somaliland  oo uu hogaaminayay wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaanu faahfaahin ka bixiyay u jeedadda shirkaasi iyo dulucda warbixin laga diyaariyay korodhka dhaqaalaha Afrika oo shirka laga jeediyay.

Waxaanu yidhi, “U jeedadda shirkani waxay ahayd daah-furka warbixin ay soo diyaariyeen oo ku saabsan midaynta dhaqaalaha ama ganacsiga Afrikadda bari. Kaasoo qayb ka ah mashruuc balaadhan oo beryahaaba la waday, oo ah sidii suuq xor ah looga samayn lahaa Afrika.

Warbixintaasi waxay ka hadlaysay faa’iidadda uu leeyahay haddii la mideeyo ganacsiga Afrika. Waxaana soo baxday in Afrika ay imika dad badan leedahay, ilaa 2 bilyan oo qof. Dhaqaaleheeduna 2 ilaa 3 tiriliyan oo dollar uu yahay.

Markaa haddii suuqyadaa la mideeyo in ay ka soo baxayaan faa’iidooyin badan oo ay ka mid tahay, ilaa 2 milyan oo qof oo shaqaale ah in ay ka soo baxayaan”.

Waxa kaloo wasiir Sacad, oo ka hadlay  hay’adaha soo qaban qaabiyay shirka iyo wadamadda ka soo qayb galay.

“Waxaanu ka qayb galnay shir ay soo qaban qaabiyeen laba hay’adood. Hay’adda Trade Mark iyo hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan dhaqaalaha Afrika.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay dawlado fara badan oo ay ka mid yihiin Somaliland, Itoobiya, Koonfurta Suudaan, Brundi, Conga-da domoqraadiga ah, Kenya, iyo Tanzania.

Geesta kale  waxa shirkan lagu falan qeeyay sidii mustaqbalka dhaw ganacsiga wadamada Afrika oo dhan la isugu xidhi lahaa, isla markaana loo fududayn lahaa cashuuraha faraha badan ee cidhiidhiga geliyay isku socodka ganacsiga wadamadda Afrika.

Sida uu sheegay wasiirka ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad, waxaanu yidhi,  “Shirkani wuxuu la xidhiidhay sidii Afrika ganascigeedda la isugu xidhi lahaa.

Kaasoo imika ganacsiga Afrika uu imika kala filiqsan yahay. Iyadoo la khafiifinayo cashuuraha faraha badan ee cidhiidhiga geliyay isku socodka ganacsiga Afrika.

Si mustaqablka dhaw ama wakhti cayiman ay Afrika u noqoto wadamo ganacsigoodu isuku furan yahay, sida wadamadda midawga Yurub oo kale”ayuu yidhi wasiir Saajin.

Weftiga Somaliland oo uu hogaaminaya wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaa ku wehelinaya wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamud Xasan Sacad (Saajin).

Wasiirka gaadiidka iyo jidadka C/laahi Abokor, guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim iyo mareeyaha hay’adda tayadda Somaliland Muuse Xasan Yuusuf.

 

 

dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply