Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland Oo Saaka Cod Aqlabiyada Ku Ansixiyey Wax Ka Beddelka Xeerka Isgaadhsiinta.

0
476

Hargeysa (Dawan)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa saaka soo dhigay mooshin ay ku saxeexan yihiin 20 mudane oo ku saabsan wax ka beddelka xeerka is gaadhsiinta oo ay qeyb ka ahayd kootadii internetka ee Shirkadda Somcable .

68 Xildhibaan ayaa cod ku meel mariyay wax-beddelka xeerkaasi, halka Xildhibaan kaliyana ka diiday Guddoomiyuhuna aanu codeyn .

Wax-beddelka xeerkan ayaa fududaynaya in Shirkaddo badan oo daneynayay inay dalka keenaan internet ay ku soo dhiiradaan maal gashiga dalkooda .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply