Wacyigelin Ku Wajahan Khatarta Cudurka Coronavirus oo laga fuliyey Ceerigaabo

0
743

Ceerigaabo (Dawan):- Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Sayniska ee Gobolka Sanaag ayaa Maanta dugsiyada magaaladda Ceerigaabo iyo Guud ahaan Iskuulada gobolkaasi ka bilowday wacyigelin ku wajahan ka hor taga Cudurka Coronavirus oo faro baas ku haya dalal badan oo ka tirsan dunnida.

Sida uu ku soo Waramayo Wariyaha Wakaaladda Solna ee Gobolkaasi C.qaadir Axmed Xasan Kaboweyne Waxaa barnaamijkan wacyigelineed ka hadlay Gudoomiyaha Wasaaradda Waxbarashadda ee Gobolka Sanaag Axmed Shire Maxamed ayaa sheegay in isagoo kaashanaya Maamulayaasha iyo Macalimiinta dugsiyada kala duwan ee Gobolka sanaag ay ardayda ku baraarujinayaan sidii ay uga taxadiri lahaayeen Halista cudurka Coronavirus.

Gudoomiyuhu waxa uu ku booriyey ardayda wax ka barata Dugsiyada magaalada Ceerigaabo inay raacaan Talooyinka ka imanaya bah’da wasaaradda caafimaadka ee ku taxaluqa ka hortaga Cudurkan.

Gudoomiyaha Wasaaradda Waxbarashadda ee Gobolka Sanaag Axmed Shire Maxamed waxaa kale oo uu sheegay inay barnaamijkan wacyigelineed ka soo fulin doonaan dugsiyada kale ee Guud ahaan Gobolka Sanaag.

Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu faray Dhamaanba Maamulayaasha, Macalimiinta iyo Ardaydu sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen wareegto uu soo saaray Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda oo ku saabsan sidii dugsiyada subixii loogu furi lahaa Heesta Calanka Somaliland.

Leave a Reply