Gaadiid Dadweyne oo ku Shufbeelay Magaalada Borama + Sawiro

0
673

Borama (Dawan) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa sheegaya in laba ka mida gaadiidka dadweynaha ee Basaska yar yare e loo yaqaano Caasigu ay ku gubteen goob gaadiidka lagu hagaajiyo, kadib markii dab qabsadday.

Ciidamada dabdamiska ee magaalada  Borama ayaa ku guuleystay  daminta gaadiidkani dabku qabsadday.

Ilaa hada ma jiro war rasmiya oo laga helay sababta keentay dabka qabsadday gaadiidkani, waxaana soo gaadhay khasaare xoogle.

Wixii faahfaahina ee intaasi dheer waxaa aanu idinku soo gudbin doona wararkayaga danbe

Sawirka labada bas ee caasiga ah ee dabku qabsadday xuquuqda sawirka Waceys yare
Sawirka labada bas ee caasiga ah ee dabku qabsadday xuquuqda sawirka Waceys yare
Sawirka labada bas ee caasiga ah ee dabku qabsadday xuquuqda sawirka Waceys yare

Leave a Reply