Dab ka kacay Dooxadda Ooda-gooye oo Sameyn ku Yeeshay Xoola Dhaqatadii Xiliga Jilaalka ku Tiirsaneyd Daaqa

0
892

Laascaanood (Dawan) Boqolaal xoola dhaqato ah ayaa ka guuray kadib markii ay gubatay dooxadda weyn ee Oodagooye, kuwaasi oo imika daaq yaraani ku heyso deegaanadii ay u guureen.

Dab xoogan oo ka kacay dooxada weyn ee Oodagooye oo ku taala duleedka magaalada Laascaanood kana xigta dhanka Koonfureed una jirta 3-km, waxaanu dabkaasi baabi’iyey daaqi xoolahaasi ay ku noolaayeen, taasi oo sababtay in dad badan oo xoola dhaqato ahi ay deegaano kale xoolaha ula daaqsin doontaan.

Dhul cabirkiisu yahay ilaa 3-km oo ka mida intii ugu mihiimsaneyd dooxaddaasi ayaa dabkaasi baabi’iyey, sida uu Radio Ergo u sheegay isu duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool Jaamac Maxamuud Xaaji Saalax, kaasi oo sheegay in dooxadani mihiim u aheyd daaqa xoolaha hadana ay jiraan boqolaal qoys oo ka hayaamay deegaankaasi “Waxaa ay ku jirta dooxooyinka ugu waa weyn ee gobolka Sool ee degmadda Laascaanood, oo ay ku baxsadaan waana meelaha Cawsku ugu danbeeyo eek u dhaqmaan xooluhu inta badana xiliyadda barwaaqada waxaa lagu yaqaana inay boqolaal qoys ama kumanaan ay degto, dooxadu waxaa weeyi way gubatay dad aad u tiro badan ayaa joogey, xoolo geel, adhi, lo, waana joogeen walibana waa daaqayeen markii dabku qabsadday ilaa lix kun, todoba kun inta u dhaxeysa kamay yareyn, booyadoodaha galeyna ilaa boqol booyadood kamay yareyn,  ilaa saddex jeer ayuu dabku kacay, waxaa ay u guureen Ganbadha, Qudhac-dheero, Nuur-daaqaha, iyo wixii ka shisheeya ee Gaal ku dhal iyo Nugaalaha hoose ayay u guureen”

Maxamed Cabdiraxmaan Cabdi waxaa uu ka mid yahay bulshadda xoola dhaqatada ee ka hayaamay dooxada Oodagooye, imika boqol iyo labaatan neef oo adhiya oo uu lahaa ayuu ula guuray deegaanka Dhagxanyo Cado, daaq yaraan uu halkaasi kala kulmay waxaa uu qorsheynayaa inuu uu uguuro deegaan kale sida uu sheegay “Dhibaatada uu dabkaasi keenay meeshi hadeer wax aanu ku nagaano oo xoolihii ka cunayaan ma jiro, hadeer waan ka gurney waayo markii hore waxaanu naalay saddex bilood oo naqi ah, hadeer inta jilaalka ka hadhay in aanu sii oolo ayuu qorshahayagu ahaa, hadeer laakiin daaqsinkii badneyd malaha, hada goobtaa aanu tagneyna in aanan sii joogi karrin ayay hada ila tahay”

Sidoo kale dadka degana dooxadda Oodagooye islamarkaana ka guuray markii ay gubatay waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jaamac, saddex neef oo ka mida xoolihiisa ayuu ku waayay dabkaasi waxaanu hada uguuray deegaanka Qudhac-dheero oo masaafo 15-km dhan, dooxadda Ooda-gooye ka xiga dhinaca barri waxaanu halkaasi kala kulmay daaq yaraan iyo dhibaato dhanka biyaha ah waxaanu yidhi “Wax daaqa oo uu leeyahay ma jirto iyo wax biyo ah oo uu leeyahay waa dhagaxa uun, xoolihii aad iyo aad ayay u gaajoodeen, anniga shaqsiyan saddex neef ayaa igaga gubtay dooxada waanu ka gurney oo daaq badan ayaanu ku heysaney markii hore, dooxo aad u fiican ayay aheyd, dooxo fiican ayay aheyd”

Xiliga dooxadda dabku qabsadday waxaa daaqayay xoolo isugu jira, Geel, Adhi iyo Lo, waxaana jira haween dooxadaasi ka soo guri jiray cawska, islamarkaana ku iibin jiray gudaha magaalada Laascaanood kuna maareyn jiray nolosha qoysaskooda sida ay sheegeen haweenkani .

Waxaana haweenkaasi ka mid ahaa Haweeye Maxamed Cabdi waxaaney arroorkasta tagi jirtay dooxadda gubatay ee Ooda-gooya iyadda iyo haween kale oo si koox kooxa isu raac raaci jiray, laba ilaa saddex jawaan oo cawsa ayay ka soo guran jirtay dooxadaasi waxaaney gelinka danbe ku iibin jirtay suuqa laascaanood “Waxaan qaban jiray waxaan iibin jiray Caws, cawskaasi ayaanu ka sooguran jiraynay anaga oo haween badana intaanu is raacno, dooxadda Ooda-gooye waxaaney noo jirtay 5-km wey noo dhaweyd abnigeeduna waa uu sugnaa halkaasi ayaanu galinka hore ka soo guran jirnay gelinka danbena waxaanu ku iibin jiray suuqa, waxaan ka heli jiray nolol maalmeedka qoyskeyga, sida boqol iyo konton boqol iyo todobaataan marba waxba iga soo bixi jiray”

Waxaaney sheegtay hada muddadii labada todobaad aheyd ee dooxadu gubatay in aanay wax shaqo ah heyn,.

Haweeya waa hooyo heysta saddex carruura, raashinka ay quudato qoyskeedu waxaa ay imika ku soo heshaa deyn, iyadda oo ka soo qaadata dukaan ay hore macmiil ula aheyd, waxaana lagu leeyahay lacag dhan sodon dollar oo ay ku qaadatay raashin, waxaana ay ka warwarsan tahay waxbarashada laba ilmood oo wax u barta, kuwaasi oo ay ka baqeyso in waxbarashada laga soo eryo maadamada shaqadii ay heysay meesha ka baxday “Waxaan nolosha ku maareeya tukaan aan macmiil u ahaa ayaan hada wax ka soo qaad qaata, muddada labada todobaada deyn ayaan ku soo qaatay, lacag ilaa sodon dollar iyo dheeradda ayaa imika leygu leeyahay, waxaan ku shaqeysan jiray soo gurista cawska balse imika waan waayay waaney fogaatay abnigeeduna waa uu xun yahay.

Xigasho Radio Ergo

Sawirka Dab ka kacay Dooxadda Ooda-gooye oo Sameyn ku Yeeshay Xoola Dhaqatadii Xiliga Jilaalka ku Tiirsaneyd Daaqa

 

Leave a Reply