War Deg Dega: Dowladda Somaliland oo Joojisay Bixinta Ruqsada Kallumaysiga

0
527

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in ay joojiyeen ruqsadii ganacsi ee ay siinjirtay kalluumeysatada ganacsatadda ah.

 

Waxaa kale oo uu xusay in ay imika gacanta ku hayaan, dhawaanna ay soo saari doonaan siyaasad lagu xakameynayo Kalluumeysatadda kala duwan ee xaalufiya kheyraadka kala duwan ee ku jira Badda, iyo heshiisyaddii suuqgeynta ahaa ee lala galayey dalka geeska Afrika ku yaalla.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wakhtigan ay jiraan afar Markab oo ka kalluumeysta xeebaha Somaliland oo uu ruqsadda siiyey wasiirkii isaga ka horeeyay.

 

“Waxaa aanu go’aansaney marka aanu ogaano waxaa Badda inoogu jira ee inoo iibgalaya iyo sida aynu u ilaashaneyno kalluunkeena ka yar ama dabar go’aya wakhtiga la xidhiyo iyo wakhtiga la qaadayo waxaa aanu go’aan ka soo saarney in aanan cid danbe heshiis la gelin, shuruucdii lagu xakameynayay Maraakiibtan kheyraadka baabi’iya waxna wey diyaarsan yihiin waxna waanu wadnnaa, ilaa aanu dhammeystirno heshiiskii lala galayey, anaga oo u eegeyna gobolka sida Kenya, Eritrea, Jabuuti in aanu sicirkii ogaano oo aan aheyn mid aynu kaga sareyno suuqa”

 

Leave a Reply