Kenya iyo Ethiopia oo laga Helay Cudurka Coronavirus

0
570
Ethiopia flag with Kenya flag, 3D rendering

Addis Ababa(Dawan)-Wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa goor dhaweyd shaaciyay in qof qaba xanuunka Corona laga helay dalkiisa.

Haweeneyda cudurka lagu arkay ayaa la sheegay inay ka timid Maraykanka, soona martay London.

Wasiirka waxa uu sheegay in haweeneyda ay hadda xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay, laguna sii heyn doono cisbitaalka ilaa iyo inta ay ka caafimaadeyso.

dhinaca kale Duqa Magaalada Addis Ababa ee dalka ethiopia ayaa xaqiijiyey in dalkiisa maanta cudurka laga helay nin kasoo jeeda dalka Japan .

dalalka ayaa xidhiidh isu socodka la leh Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo dalka ethiopia uu ka yimaado jaadka aad looga cuno gudaha Somaliland .

Leave a Reply