Ka Hortagga Cudurada Faafaa waa Hawl Qaranku Wada Leeyahay

0
846

Hargeysa (Solna)- Maalinba ta xigta waxaa kor u sii kacaysa tirada wadamada uu u tallaabayo virus-ka Corona iyo tirada dadka uu ku dhacayo ee ama u dhimanaya  ama bukaankiisa la jiifa, waana Virus khatar ah oo waxyeeleeya unugyada difaaca jidhka ee qofka bani’aadamka ah, waxana uu si fudud ugu dhex faafaa dadka, iyagoo xittaa dalalkii horumarka cilmiyeed iyo ka dhaqaale sheeganayey ay ku fashilmeen inay ka hortagaan virus-kaa  oo isagu  dhibaato caafimaad, mid dhaqaale iyo mid bulsho gaadhsiiyey dalalka caalamka badankooda, isla markaana aan weli loo helin maaddo lagu daweeyo ama talaal lagaga hortago,

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay habeenkii xalay sheegtay inay illaa haatan ay cudurkaa u dhinteen 5000 qof,laguna arkay kiisaskiisa 125 dawladood oo caalamka ah.

Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid ah dalalka aan weli lagu haynin cudurkaasi dilaaga ah ayaa waxa ay xiligan uga halis badan tahay sidii hore, maadaama laga helay viruskaa dalalka gobolkan ku yaalla qaarkood, kuwaas oo aynu xidhiidh joogto ah leenahay, sida dawladda aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo habeenkii xalay lagaga dhawaaqay in kiiskii ugu horeeyey ee Virus-ka corona lagu arkay iyo waddanka kenya oo isna inkastoo aynaan xuduud lahayn hadana ka mid ah dalalka aynu gobolka  wada degan nahay, xidhiidhka isu socod ee dhanka duulimaadada ah ee joogtada ahna inoo dhexeeyo.

in cudurada faafa khatartooda la yareeyana waxa kow ka ah in si degdeg ah loogu dhaqaaqo tallaabooyinka lagaga hortegayo, taasoo ah mas’uuliyad ina wada saaran shacab iyo dawladba.

cudurada faafaana ma aha kuwo wax ka qabashadooda lagu halleeyo Hay’adaha caafimaadka oo keliya, laakiin waxaa loo baahan yahay inaynu si wadajir ah uga hortagno cudurkaa hadda khatartiisu inagu gedaaman tahay, ennaga oo ugu horayn ducada iyo baryada ilaahay badinayna, sadaqadana la baxayna, dhexdeenana isa saamaxayna, ilaahayna weydiisanayna inuu inaga badbaadiyo waxyeelada Viruska corona iyo raadka xun ee uu dunda ku yeeshayba.

mar labaadka waxaa lama huraan ah inay dadweynaha Somaliland iyo dadka kale ee ajaanibka ah ee sifada sharci ku degan dhulkeenu inay ka dheregsan yihiin waxyeelada Corona , fikradna ka haystaan siyaabaha looga hortago ee la isaga ilaaliyo , waana inay Hay’adaha caafimaadka ee dalku kordhiyaan iskaashigooda si ay qorshe midaysan ugu waajahaan cudurkaa dilaaga ah. waana in ay dhalinyarada somaliland ee hore u qaatay tababarda gargaarka degdega ahi si muttadawacnimo ah ugu diyaargaroobaan inay ka qayb qaataan dadaalada heer qaran ee lagaga hortegayo inuu ina soo gaadho viruska Corona. waana in cid kasta oo dalka dibadda ka soo gelaysa la mariyo baadhitaanka lagama maarmaanka ah.

si looga fogaado in  macluumaad aan sax ahayni bulshada ku abuuro khalkhal iyo deganaansho la’aan waa inay dhamaan qaybaha saxaafadda iyo baraha xidhiidhka bulshadu iska ilaaliyaan inay baahiyaan xogo aan rasmi ahayn oo ku saabsan virus-ka corona ee Somaliland gudaheed.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL oo keliya ayaa xaq u leh inay ka hadasho oo umadda reer Somaliland iyo caalamkaba gaadhsiiso in uu viruskaasi u soo gudbay Dalkeena iyo in kale.

Ogowna muwadin: mar kasta oo aynu degdeg ugu dhaqaaqno ka hortagga cudurka corona waa marka aynu khatartiisa hoos isaga dhigi karno.

 

Qalinkii: Xuseen Aadan yuusuf (Xuseen kurdi)

Leave a Reply