Somaliland: Waan u Diyaar-garownay ka Hortagga Coronavirus

0
626

Hargeysa (Dawan) Iyadoo kiisaskii ugu horreeyey ee xanuunka coronavirus ee loo yaqaano COVID 19 ay soo weriyeen dalalka Bariga Africa sida Kenya iyo Ethiopia ayaa wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland waxa ay mar kale ka warbixisay sida ay ugu diyaargaroobeen ka hortagista xannuunkan dunida faraha ba’an ku haya.

Waxaanu wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi uu sidan ka sheegay wareysi uu siiyey Idaacadda VOA.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ugu horeyn isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waddamadda ugu dhaw ee inagga Somaliland ahaan soo gaadhay waa Itoobiya iyo Kenya, wasaaradduna markii China lagu arkay ilaa maanta inti awoodeena dhaqaale iyo awoodeena farsamo, diyaar garow waanu ku jirnay, taasi oo madaxweynuhu uu tagay goobta dadka ugu mihiimsani inaga soo gallaan oo aheyd madaarka Hargeysa, islamarkaana ay wasaaradda caafimaadku ka hawlgashay oo ay geysay shaqaale caafimaad, dhammaan rakaabka diyaaradaha kala duwan ee garoonka yimaadda.

Waxaanu ku xigsiiney in goobaha kale ee dalka laga soo galo, sida Wajaale, Goraya-cawl, Xariirad, Lowya-cado, Tuka-raq, Yube, ayaanu geynay shaqaale caafimaad, oo la soconaya isu socodka dadka badhitaana ku sameynaya, si hadii la arko xannuunkaasi qof qaba in wax laga qaban karro oo loola socon karro, intii karaankayaga ahna waanu u diyaar garownay ka hortaga xanuunka coronavirus ILLAAHEY inaguma keene hadii uu yimaado”

Khadarhoryaal@gmail.com

Sawirka Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi, oo ka hadlay sida ay ka xukuumadd ahaan ugu diyaar garoobeen ka hortaga xannuunka coronavirus

Leave a Reply