Dawladda Itoobiya oo Go’aamo kasoo Saartay Cudurka Coronavirus

0
653

Addis Ababa (Dawan) – Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in dhamaan dugsiyada waxbarashada, garoomada lagu ciyaaro iyo goobaha kale ee ay dadku iskugu yimaaddaan ay xidhnaan doonaan muddo 15 maalmood ah oo ka bilaabmaysa maanta.

Itoobiya oo shalay soo bandhigtay qofkii afraad ee laga helay xanuunka Coronavirus, isla markaana karantiil gelisay dhawr qof oo kale oo la kulmay dadka uu xanuunkani ku dhacay, ayaa waxa uu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed mar dhoweyd soo saaray go’aan lagu xakamaynayo xanuunkan oo dunida dad badan ay ugu dhinteen, boqollaal kalena u jiifaan.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo war-saxaafadeed dhawr layn ka kooban soo saaray, ayaa waxa lagu yidhi: “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed waxa uu shaaciyey in dugsiyada waxbarashada, dhaqdhaqaaqyada ciyaaraha iyo kulamada waaweyn ay xidhan yihiin muddo 15 maalmood ah.”

Ra’iisal Wasaaruhu ma sheegin in ay joojin doonaan duulimaadyada ay diyaaradda Ethiopian Airlines ku tegayso waddamada uu xanuunkani sida xun u saameeyey, laakiin waxa jirta cabsi weyn oo shacabka dhexdiisa ah oo ku saabsan dadka ka imanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga iyo waddamo kale oo ay Ethiopian Airlines maalin kasta ku tagto duulimaadyo.

Dhinaca kale, wasiirka caafimaadka Dawlad Deegaanka Soomaalida, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in muddo laba toddobaad ah ay xidhan yihiin iskuulada waxbarashada ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, laakiin kama aanu hadal jaamacadaha iyo Kulliyadaha waxbarashada oo ay dad badan wax ka bartaan.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya oo lagu eedeeyo inay qariso xaqiiqooyinka xanuunada dalka ka dillaaca, waxay tallaabadan ay qaadday tahay mid muhiim ah oo ay dadkana tahay inay raacaan tilmaamaha caafimaad ee la siinayo, si ay iskaga ilaaliyaan xanuunkan dunida musiibada ku noqday.

Leave a Reply