Ra’iisul Wasaaraha Israel Oo Awood U Helay In Uu Soo Dhiso Dowlad Cusub.

0
493

Israel (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lasheegay in uu helay taageero uu kusoo dhiso karo dowlad cusub kadib bilooyin uu waysanaa aglabiyad uu dowlad ku dhisi karo.

Xisibiga Likud ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa xulafo lanoqday xisbiga kale Isbahaysiga Carabta Israel.

Ujeedka deg dega ah ee laga leeyahay dowladdan cusub ayaa ah in lashiso golo wasiiro oo dardar galiyo ladagaalanka caabuqa halista ah ee Coronavirus.

Dhawaantan Israel waxaa ka dhacday doorashadii sadaxaad mudo sanad ah gudihiisa, iyadoona Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu cadaadis xoogan kala kulmay hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Benny Gantz.

Benjamin Netanyahu, ayaa ah hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa ee Israel soo mara iyadoona hataan lagu wado in sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhiso golo wasiiro.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply