Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kormeer Ku Tegay Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimadda Hargeysa

0
637

Hargeysa-Dawan)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kormeeray Mashruuca Isku xidhka Ceelasha Biyaha ee Geed Deeble oo qeyb ka ah Biyo balaadhinta Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxay sii mareen Barkada cusub ee keydka Biyaha oo wakhtigan uu socday dhismaheedu.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa kormeerkan ku wehelinaayey  Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Axmed Daarood, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed iyo masuuliyiin kale.

 

Waxaana madaxweyne ku xiheenka warbixin ka siiyey biyo gelinta caasimada Maareeyaha wakaalada biyaha  Maxamed Cali Daarood oo ka hadlay Mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa, waxaana uu sheegay inay hadda dhammeeyeen isku xidhka Ceelasha biyaha qeybta Geed-deeble islamarkaana hadda la sugaayo qalabkii xidhiidhin lahaa Ceelasha iyo Berkada Biyaha.

 

Madaxwene ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horayn u mahadceliyey Wakaalada biyaha ee Hargeysa hawsha balaadhan ee ay gacanta ku hayso, sidoo kalena waxa uu xusay Madaxweyne ku xigeenku hannaanka laysugu xidhay Ceelashu inay yihiin hannaan wanaagsan oo loo aayi doono taasi oo dadka ka badbaadin doonta haddii qaar xumaadaan in kuwa kale sii shaqayn karaan, waxaanu tibaaxay in mashruucan ay bulshadu aad uga warsugayso loona baahan yahay si deg deg ah in loo dhameeyo oo tamar iyo tacaba laysugu geeyo.–


 

 

Leave a Reply