Soomaaliya: Qofkii ugu Horeeyey oo Laga Helay Cudurka Coronavirus-ka

0
530

Muqdisho.(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyay ee Corono Virus laga helay muwaadin Soomaali ah oo hadda goob loogu talagalay lagu karantiilay oo ku taala Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya

Wasiirka caafimaadka, Marwo Fowziyo Abiikar Nuurayaa ayaa sheegtay in Dowladda dadaal walba ku bixineyso sidii muwaadinkaas oo dalka dibadiisa ka yimid loo baxnaanin lahaa.

Cudurka Corono Virus ayaa fara ba’an ku haya caalamka,waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixisay dadaal kasta oo faafitaanka cudurkaas looga hortagi karo.

 

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii Saddexaad Xuduud la leh Somaliland ee laga helay Cudurka Coronavirus

Leave a Reply