Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa(Dawan)-waa xaafad go’doon ah oo ku taalla waqooyiga Magaalada Hargeysa. waxa degen in ka badan lix boqol oo qoys oo isugu jira danyar iyo dad nololsha dhexe ah.
Xaafadan afarta jiho waxa kaga xidhan dooxyo biyo-mareen ah iyo buurro aanay meelaha qaar gaadiidku mari karin, kuwana ay raf iyo godad yihiin , sida ay sheegeen dadka deegaanka oo si joogto ah ay caqabad iyo halis soo noqnoqtay ugu hayso arrintaasi.
Habeenkii Isniinta ayaa waxa dab ka kacay ku shuf beelay guri ku yaalla xaafadaas oo ay ku noolaayeen Hooyo iyo 12 Caruur ah oo agoon ah, kaasoo ku shuf-beelay oo aan wax ka badbaaday jirin wixii dhex yaallay iyo agabkii dhismaha, wallow ay ciidanka dab-damisku gurmad ku tageen xilli ay samato bixin karayeen gurigaasi, balse ay gaadiidka gurmadu waddo la’aanta ku habsaameen,sida ay noo sheegeen goob-joogeyaal.
Deegaankan oo kamida xaafadaha ay sanadihii la soo dhaafay ku fiday caasimadu oo masaafo dhinaca waqooyi kaga beegan Kaantaroolka Ina Aamin, loona bixiyey Dhego-sayn, ayaa la sheegay in dhowr jeer oo hore sidan oo kale uga dhacday masiibo dab oo khasaare laxaadle sababtay.
Ma jirto khasaare nafeed oo ka dhalatay dhacdadan u dambeysay, hase ahaatee waxa ay qoyskan danyarta ah solansiisay Hoy iyo hu’ la’aan iyo in saacado gudahood dibad-joog ay noqdaan “Dabku wuxuu guriga qabsaday abaaro 7:00 habeenimo. dab-damisku waxay yimaadeen ila 20 daqiiqo, laakiinse dee meel ay maraan ayey waayeen”sidaasi waxa Wargeyska Dawan u sheegay Eng. Maxamuud oo kamida odayaasha Xaafadan.
“guriga shay ka badbaaday ma jirin”ayuu raaciyey.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka dab-damiska oo la xidhiidha sababta keentay dabkan, balse Hooyada gurigan ku haysatay Ubadka agoonta ah ayaa sheegtay “gurigu isagoo gubanaya ayaan ku soo noqday oo waan maqnaa, dab-damisku markii uu noo yimina meel uu soo maro ayuu waayey. waxaan ku haystay carruurtaa agoonta ah oo aabahood uu dhintay”sidaas waxa sheegtay Caasha oo ah hooyada qoyska ka masuulka ahayd.
Guriga ayaa ka koobnaa Jiingad laba qol ah iyo Aqal soomaali, waxaana sida ay sheegtay dabku ku horeeyey qaybta Aqal Soomaaliga ah oo ka samaysan Maryo iyo waxyaabaha kale ee laga dhiso cariishyada, sida ay caasha sheegtay.
Culimada iyo waayeelka xaafadan ayaa isla markiiba bilaabay Ololle ay taakulo ugu fidinayaan qoyskan dabku baro-kiciyey, taasoo ay hogaaminayaan culimada masaajidka xaafadaasi, waxaanay bulshada Somaliland ka codsadeen in la caawiyo Qoyskan masiibadu haleelshay.
“laakiinse Ciidanka dab-damisku waxa ay ka badbaadiyeen in aanu guryaha kale ee jiiraanka ah u gudbin”ayuu yidhi Imaamka Masaajidka xaafadaasi oo la hadlayey wariyeyaal booqday goobta gubashadu ka dhacday.
Laagta ay ka gudubto wadada xaafadan gasha ayaa la sheegay in ay xilliyo roob da’ay dad iyo gaadiid qaaday oo ay ku dhinteen halkaasi.
Si kastaba haku timaadee dhacdadan ayaa kicisay dareenka bulshada ku dhaqan xaafadaasi oo muddo sanad iyo siyaado ku siman sugayey in loo dhiso buundo dhismaheeda ay iyagu qaadhaan uruurin u sameeyeen oo ay dawladda hoose ee caasimada ka naawilayeen.
Buundadana,ayaa sida ay sheegeen dadweynuhu ka dhalatay dhacdooyin isugu jira dab iyo daad xayiray xaafadaasi oo soo noqnoqday oo ku khasbay waayeelka iyo hormuudka bulshadu in ay u kacaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatooyinkaas, iyagoo dadka ka uruuriyey qadar lacageed oo bilow u noqota dhismaha Buundadaas.
“Waxaan uruurinay lacag dhan $25000 oo dollar oo aanu ku wareejinay dawlada hoose ee Hargeysa sanadkii hore horaantiisii. lacagtaas waxaan ugu talo-galnay in ay dawladda hoose na wax ku darto oo ay buundo ku samayso, laakiinse ilaa hadda wax la dhisay ma jiro”yidhi Maxamuud Xaaji Muuse oo kamida guddida odayaasha xaafadan.
Odayaasha iyo waxgaradka deegaankan ayaa sheegay in uu ka dhamaaday dulqaadkii ay ku sii sugi lahaayeen mashruucan ay lacagtiisa bixiyeen ee aan ilaa iminka loo fulin, waxaanay sababaha joogtada ka dhigay dhacdooyinka halista badan khasaaraha culus ee ka yimaada, wax ka saareen wado la’aanta ka jirta deegaankan.
Ugu dambeyn, waxa ay canaan iyo cabasho u jeediyeen maayirka Caasimada Hargeysa iyo Golaha Deegaanka ee uu hogaaminayo, waxaanay ka dalbadeen in si dhakhso ah loogu dhiso Biriij iyo wado, si aanay mar dambe xaaladan oo kale uga dhicin.
Sanad kasta Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa waxa ka dhaca tobanaan dhacdo oo gubasho ah, waxaanay galaaftaan naf iyo maal aan magdhow iyo meel loo raacaa aanay jirin, iyadoo inta badan uu dabku ka dhasho adeegga korantada iyo Shooladaha wax lagu karsado.
Bishii la soo dhaafay dabayaaqadeedii ayey ahayd markii uu holcay goor habeen ah naskii dambe dhisme uu degenaa Cisbitaal gaar loo leeyahay oo bixiya adeegyada Shay-baadhka, halkaasoo ay ku gubteen qalab ay ku jiraan mishiino qiimahoodu aad u sareeyey.