“Waan ku faraxsanahay in aan ku soo biiray BBC Soomaali”…

0
540

 

Nairobi (Dawan): Tifaftiraha cusub ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC Muxiyadiin Axmed Rooble, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan xilka tifaftirenimo ee dhawaan loo magacaabay.

Muxiyadiin Axmed Rooble, oo shalay si rasmiya u bilaabay shaqadiisa tifaftirenimo ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC  ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqadda cusub ee uu ka bilaabay BBC.

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayuu sheegay in ay tahay tan uu yaallo kaydka ugu balaadhan ee taariikhda dadka Soomaalida ah, taasoo jirtay muddo ka badan 60 sanadood.

Waxaanu yidhi, “Marka u horaysa waan ku faraxsanahay in aan ku soo biiray BBC Soomaali, oo aan la shaqayn doono weriyeyaasha tiradda badan ee Soomaaliya meello ka mida jooga.

Halkan Nairobi jooga iyo qaybo meelo kale oo dhulalka Soomaalidu ay ku nool yihiin jooga iyo gobolka Geesta Afrikaba meelaha kale ee ay Soomaalidu ka degan tahay.

Markaa waa wax weyn oo lagu farxo, in aan madax u noqdo oo aan hogaamin doono wixii hadda ka danbeeya laanta Af-Soomaaliga ee BBC oo ah idaacad dhawr iyo lixdan sanno jir ah.

Markaa waa meel taariikhda iyo kaydka Soomaaliyeed la odhan karo waa meesha kan ugu weyn uu yaallo ee laga heli karo.  Markaa sharaf bay ii tahay iyo wax aan ku farxo, oo aan ku faani karo”.

Geesta kale waxa uu ka hadlay waxyaabaha u qorshaysan ee uu doonayo in uu ku soo kordhiyo laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

Waxaanu sheegay in uu ahmiyadda koowaad siin doono sidii loo tayayn lahaa wararka iyo barnaamijyadda idaacadda gaar ahaana qaybta Internet-ka.

“Qorsheyaasha marka aan  hawl-wadeenadda BBC Soomaali aan la wada tashado, ee aan si fiican uga baaraan degno, ayaan si rasmya uga hadli doonaa ama aan u ogaan karaa.

Laakiin, marka u horaysa  waa in aan sii tayaynaa idaacadda, oo aynu sii tayayno dedaalka aynu ugu jirno soo gudbinta xog dheeli-tiran, oo ogaanshiyaheedu uu macno leeyahay”ayuu yidhi Muxiyadiin.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxa kaloo aanu sii tayayn doonaa, oo aanu ahmiyad siin doonaa warbaahinta casriga ah ee Inernet-ku saldhig u yahay.

Markaa aniga ahmiyadayda ugu weyni waxa weeye, sidii aan u casriyayn lahaa laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da”.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply