Maamulka Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Dilka Taliyihii Nabad-sugida Gobolkaasi

0
480

Laascaanood (Dawan): Maamulka Gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood iyo taliska qaybta booliska ee gobolkaasi ayaa   ka hadlay dilka taliyihii nabad-sugida gobolka Sool C/qani Guhaad Xasan, oo habeen hore ay toogteen koox dabley.

Shir jaraa’id oo ay maanta si wada jira xarunta talista qaybta booliska ee Laascaanood ugu qabteen badhasaab ku-xigeenka gobolka Sool, taliyaha qaybta booliska Sool, iyo masuuliyiin kale ayay kaga hadleen dilka taliyihii sir-doonka gobolka Sool.

Masuuliyiintaasi ayaa ugu horaynw axay tacsi u direen qoyska, ehelka, qaraabadda iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u anxariistee taliyihii sirdoonka gobolka Sool C/qani Guhaad Xasan, oo habeen hore dabley hubaysani ay ku dileen magaaladda Laascaanood.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi, ayaa dilka taliyihii nabad-sugida ku tilmaamay dhacdo aad u fool-xun, isla markaaana aan la aqbali Karin in masuuliyiinta qaranka si fudud loo dillo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, geeridii xalay  dhacday, oo ahayd geeri aad iyo aad u fool-xun. Mid ka horaysayna ay dhacday, oo raggii ugu muhiimsanaa gobolkan ay geeriyoodeen, C/qani, oo ahaa taliyihii sir-doonka,

Waxaan tacsi u dirayaa gaar ahaan ehelkii, qarraabadii iyo carruurtii ay ka tegeen iyo sidoo kale heer qaranba. Maalin walba in ay dhacdo in raggii hal-doorka ahaa la inagala dhex baxo, oo ay si yaroo fudud u dhintaan” ayuu yidhi badhasaab ku-xigeenka Sool.

Saleebaan Diiriye Cabdi, ayaa ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Sool in ay si daacad ah ula shaqeeyaan ciidamadda amaanka, isla markaana ka gaan siiyaan hawlaha baadhista ee ay wadaan.

Waxaanu yidhi, “Waxaan ka codsanaynaa, haday ganacsato tahay, haday culimo tahay, haday haween tahay, dhalinyaradda, cid kastoo gobolka ku nooli in ay arrintaasi si amni ah ama nabadgeliyo ah, noogala shaqeeyaan, oo ay ciidamadda booliska ula shaqeeyaan, oo ay cidii amniga u xil saran kala shaqeeyaan. Waayo? Maadaama ay tani dhacday, waa wax ina wada saamaynaya”.

Geesta kale Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool Kornayl Axmed C/laahi Cabdi,  ayaa sheegay in ciidamadda amaanku ay wadaan baadhista dilkaasi, iyadoo ay jiraan dad la hayo oo loo qabtay kiiskaasi.

“Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa, guddoomiyihii maxkamadda sare  ee gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud Cumar, iyo taliyihii sirdoonka gobolka Sool C/qani Guhaad Xasan, ALLE ha u naxariisto.

Haddii aanu ciidanka booliska nahay, dad la hayaana way jiraan, qaar lagu daba-jiraana way jiraan. Hawsha baadhistuna way socotaa.

Muddo sagaal bilood ah ayaan joogay gobolkan. Waa labadii kiis ee iigu cuslaa ee I soo mara, intii aan gobolkan joogay. Waxaanan ALLE SWT ka baryayaa in uu noo fududeeyo hawshaasi.

Gobolkani Sool, waa gobol aad u balaadhan, laba dawladood ayuu xad la leeyahay, Soomaaliya iyo Itoobiya”ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska Sool.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi,  “Dadka gobolkan Sool waxaan ka codsanayaa in ay gacmaha is-qabsadaan.

Kuwa nitaaqadda wadda ee magaaladda inaga xumaynaya, ee inaga hor imanaya, ee magaaladda xumaanta la rabba, in aan gacmaha isugu gayno, oo inagoo daacad ah, aan isugu tagno, ayaan dadka ka codsanayaa.

Anagu-na (booliska), diyaar baanu u nahay, habeen iyo maalinba wixii aan qaban karno, in aanu qabano”.

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply