Midowga Yurub Oo Xidhay Xuduudahooda Si Ay U Xakameeyaan fayraska Corona

0
506

Yurub (Dawan)- Midowga Yurub ayaa xayiraad socdaal oo 30 maalmood ah ku soo rogay dhammaan xuduudaha dalalkiisa, tallaabada uu ururku ku dhawaaqay ayaa la sheegay in la filayo inuu ka dhaqan galo 26 dal ee ka tirsan Midowga Yurub.

Xayiraadda Midowga Yurub uu soo rogay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordheyso tirada dhimashada dalalka Talyaaniga, Spain iyo Faransiiska.

Qaradda Yurub waxaa si weyn u saameeyey fayraska Corona ee dunida ku sii faafaya, isla markaana dilay ku dhawaad 7,500 oo qof.

Sidoo kale tartanka kubadda cagta Euro 2020 ayaa dib loo dhigay muddo hal sano ah ilaa 2021 sababo la xiriira cudurka saf-marka ah ee corona.

Cudurka ayaa wuxuu soo ritay dad ka badan 185,000 oo daafaha dunida ku kala nool.

Tallaabooyinka Midowga Yurub uu qaaday waxaa ka mid ah xayiraadda dhinaca socdaalka oo lagu soo rogay muwaadiniinta aan u dhalan iney ka soo tallaabaan xadka.

Marka laga reebo muwaaddiniinta wakhtiga dheer yurub degganaa, qoysaska muwaaddiniinta yurub u dhashay iyo Diblumaasiyiinta, shaqaalaha caafimaadka ee xududaha isaga goosha iyo dadka gaadiidka ka shaqeeya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply