Dowladda Chad Oo Billowday Inay Lo’ Ku Bixiso Deyn Gaadhaysa 100 Milyan Oo Doolar.

0
465

Chad (Dawan)- Dowladda Chad ayaa billowday in ay lo’ ku bixiso deyn gaaraysa 100 milyan oo doolar oo uu ku leedahay dalka Angola, sida uu sheegay wargeyska dowladda Angola.

Heshiiska noocani ah oo naadir ah ayaa loo arkaa in uu yahay mid faa’iido u ah labada dal maadaama dowladda Chad aysan haysan lacag ay deyntaasi ku bixiso, halka Angolana ay u baahan tahay lo’daasi.

In kabadan kun neef oo lo’ ah oo saaran markab ayaa soo gaaray caasimadda dalkaasi Angola ee Luanda, waana qaybtii ugu horreysay ee lagu bixinayo amaahdaasii, sida uu sheegay wargeyska Jornal de Angola.

Guud ahaan Angola waxaa ay Chad kala wareegi doontaa 75,000 oo neef oo lo’ ah muddo toban sano gudahood ah, taa oo ka dhigan in lagu heshiiyay in neefkiiba lagu qiimeeyo 1,333 oo doolar.

Wargeyska ayaa sheegay in dowladda Chad ay sidoo kale bishan gudaheeda 3,500 oo neef oo lo’ dheeraad ah ay ku wareejin doonto dowladda Angola.

Wargeysku waxa uu intaasi ku daray in dowladda Chad ay sanadkii 2017 ballan qaaday in deyntaasi ay ku bixin doonto lo’, arrintaa oo Angolana ay aqbashay maadaama ay arrintaasi ka caawin doonto sidii loo kordhin lahaa tirada lo’da ee dalkaasi, gaar ahaanna deegaannada ay abaarta la degtay.

Dalka Angola waxaa dhawr jeer ku dhuftay abaar xooggan oo sababtay in xoolo badan ay le’daan, arrintaa oo qoysas badan ka dhigtay sabool.

Inkastoo dalkaasi uu saliid qani ku yahay, haddana waxa uu wali ka soo kabanayaa 27 sano ay ka jirtay colaad sokeeye oo dalkaasi ragaadisay wax yar uun ka dib markii uu xorriyaddiisii qaatay.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka xoolaha ee OIE ayaa dalkaasi Chad ku tilmaantay in uu yahay dalka ugu xoolo dhaqashada badan, waxaana ay tirada lo’da dalkaasi ku qiyaastay ku dhawaad 94 milyan oo neef.

Xoolaha ayaa 30% ka ah waxyaabaha dalkaasi Chad uu dibadda u dhoofiyo, waana isha labaad ee dalkaasi uu lacagaha qalaad ka helo marka laga soo tago saliidda.

Warbixin uu bishii Oktoobar ee sanadkii hore soo saaray Bangiga Adduunka ayuu ku sheegay in dhaqaalaha dalkaasi Chad uu yahay mid “aad ugu nugul dhibaatooyinka sida sicirka shidaalka ee aan cago buuxa ku taagnayn iyo xasillooni darrada ka jirta gobolka” ee ay sababeen kooxaha mintidiinta Islaamiga ahi ee ka hawlgala gobolka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply